Dad Adunka Can ka ah Nin madow oo dil ku xukunnaa oo dilkiisa la hakiyay.

0
374

Rodney Reed (51-jir) ayaa isbuuca dambe la dili lahaa kadib markii lagu eedeeyay dilka iyo kufsiga gabar caddan ah oo markaas jirtay 19-sano, islamarkaana lagu magacaabay Stacey Stites taas oo lagu dilay 23 sano ka hor gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Bil ka bacdi dilkeeda oo dhacay sannadkii 1996-dii ayaa waxaa loo soo qabtay Rodney kadib markii DNA la qaaday laga helay shahwadiisa, waxaana uu sheegi jiray marwalba in uu isagu dilin gabadha balse ay kulmeen oo ay galmo ay raalli isaga wada ahaayeena sameeyeen.

Kiiska ninkan oo in mudo ah soo jiitamayay ayaa bilooyinkii u dambeeyay hawada isku shareeray ayaa waxaa soo faro-geliyay dad caan ah kuwaas oo isugu jiray fannaaniin, ciyaartoy iyo waliba siyaasiyiin.

Waxa ay dowladda ka dalbadeen in dib loo eego xukunkan dilka ah ee Rodney, dalabkaas oo ay dowladdu ugu dambeyn aqbashay.

Xubnaha fiiska sida dhow u galay ayaa waxaa ka mid ah gabadha caanka ah ee lagu magacaabo Kim Kardashian iyo waliba fannaanadda Rihanna.

Dilkiisa ayaa la laalay, mana la sheegay xilliga lagu qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here