Xukuumada Muuse Biixi oo galaafatay mashruuc UN tu ugu talo gashay beeraleyda dalka

0
464

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday in in Heyada FAO ka diiday Xukuumada Muuse in Mashruuc ay wadeen loo xiro ganacsade madaxweynaha isku heyb yihiin

Hargeysa(HWN)-Warbixin ay soo saartay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu soo bandhigay mashruuc ay hay’ada FAO ugu talo gashay beeraleyda reer Somaliland in la xanibay ka dib kolkii Xukuumada Muuse Biixi damacday in ay weecsato.

Mashruuca oo ahaa 10 kun oo tan oo siidh iyo bacarimiye waxa ay Heyada FAO ugu talo gashay beeraleyda dalka, waxaana QM u soo xushay ganacsato qeybisa deeqda, balse Xukuumada Muuse Biixi ayaa isku deyday in ay weecisato mashruuca si ay ugu tagri fasho.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa isku deyday tiroba laba jeer horaantii sanadii 2018 kii in ay ganacasade ay madaxweynaha isku heyb yihiin loo xiro qeybinta mashruuca ay FAO ugu deeqdo beeraleyda Somaliland.

Hayada QM ee FAO ayaa ka dib isku dayo dhawr ah oo ay ku dooneysay in si cadaalad ah loo qeybiyo mashruuca ku guuldareysatay, ka dibna yiqiinsatay in aaney suurtogal ahey in mashruuca la hirgeliyo bishii loo cayimay ee May 2018.

Mashruucan ay waday heyada QM ee FAO ayaa ah ka qura ee la shaaciyay in Xukuumada Muuse Biixi damacday in ay musuqmaasuqdo, waxaase tuhunku mudo badan ahaa in xukuumadu si joogto ah u weecsato mashaariicda una xirto ganacsato iyo shaqsiyaad madaxweynaha isku heyb yihiin.

Waxa reer Somaliland ka dheregsan yihiin Beeraha Muuse Biixi leeyahay ee dhawaanta la shaaciyay in qaar ka mid ah laga faro maroorsaday muwaadiniin reer Somaliland ah, waana tuhun kale oo dul heehaabaya sababta madaxweynuhu u hunguriyeeyay mashruuca FAO

Cadaalad darada Xukuumada haatan ee Somaliland ayaa ah mid dalka iyo dadkaba ku ah aafo Qaran ka dib kolkii ay circa isku shareertay cadaalad darada dalka ku habsatay.

Kol hadii Qaramada Midoobey ay u xanibtay mashruuc baxaad lahaa oo ay ka faaiideysan lahayaayeen beeraleyda dalka, waxa loo qaateen noqoneysa cabashooyinkii muwaadiniinta dalka ee cadaalad darada.

Cadaalad daradu kuma koobna uun saami qeybsiga darada dalka ka jirta ee waxa Iyana mudaba jirtay cadaalad daro lagu weecsado mashaariicda iyo deeqaha dalka loogu yabooho ee sida beeleysan loo weecsado.

xigasho.Hadhwanaag

 

Lis Dairy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here