Agaasimaha Guud Telifishanka Hctv ayaa ka hadlay Tifatiraha Guud ee Horn Cable TV Cabdiqaadir Salebaan Casayr ( coday)oo Xarunta Danbi Baadhista ee CID da Hargeisa lagu xidhay,

0
355

Waxa Xarunta Danbi Baadhista ee CID da Hargeisa lagu xidhay, Tifatiraha Guud ee Horn Cable TV Cabdiqaadir Salebaan Casayr ( coday).

Xafiiska Danbi baadhista ee CID du waxa uu codsaday in Xayiraad la saaro Horn Cable TV, bales Xayiradaasi ma soo gadhin Xafiiska talabadasina ma fulin ilaa imika, waxanay kamid ahayd qoraalka loo akhriyay tifatiraha.

Maalmihii ugu danbeeyay waxa dacwado kala duwan looga yeedhay Tifatiraha Guud iyo Xafiiska Wararkaba Coday iyo Galaydh Maxkamada Gobolka.

Balse waxa loo akhriyaya Tifatiraha Guud intaan la xidhin xafiiska Danbi baadhista, in Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalintu codstay in Xayiraad la saaro Horn Cable TV, iyadoo cabsi ka qabtay in gudbinta wararka iyo xaqiiqoyinka xoriyada Saxaafada ee dhacdooyinka malin laha ah.

Maamul ahaan waxanu kasoo horjeedna noockasta oo cabudhin ah, xadhig, handidaad , Xayiraad iyo wixii lamid ah, Xeerarka Saxaafada iyo Dastuurka JSl waxay damaanad qadayaan ilaalinta Xoriyatul Qawlka Warfidiyeenada iyo Xarumaha warbaahinta.

Waxaanu sii wadi doona gudbinta baahiyaha bulshada, helida warar sugan, ilaalinta dhexdhexaadnimada, adkaysiga iyo u dhabar adayga gaadhista xoriyad taam ah oo lagu ilaaliyo Xoriyatul qawlka dalka Somaliland.
Iyada oo aanan ku raadinayn cunfi iyo caadifad balse aanu u marayno dariiqa xeerarka saxaafadu noo jideeyay.

Mohamed Abdi Ilig
Agaasimaha Guud ee HCTV.

Sawirka Mohamed Ilig.
Sawirka Mohamed Ilig.
Sawirka Mohamed Ilig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here