Dalka Hong Kong oo Dibedbaxayaashaqaanso iyo fallaar kula dagaallamaya askar ay ku dhaaweceen.

0
292

Xaaladda dibedbax ee Honkong ka socotay mudada lixda bilood ayaa heer cusub gaartay kadib markii ay dibedbaxayaasha lasoo bexeen fikir cusub oo ay kula dagaalani karaan booliska, waxaana ay bilaabeen adeegsiga qaanso iyo fallaar.

Booliska oo aad uga welwelsan arrintan cusub ayaa waxaa uu digniin u jeediyay dibedbaxayaasha, waxaana ay u sheegeen in ay adeegsan doonaan xabado nool-nool haddii ay arkaan wax hub ah oo ay adeegsanayaan kaas oo waxyeeleyn geysan kara.

Digniinta booliska ayaa timid kadib markii nin boolis ah lagu dhuftay fallar taas oo ka gashay lugta bidix.

Si kastaba, dibedbaxyada Hong Kong ayaa meel xun maraya, waxaana ay markii hore ka bilowdeen sharci la doonayay in baarlamaanku meel-mariyo kaas oo dhigayay in dambiilayaasha reer Hongkong ee dambiyada kasoo gala Shiinaha loo gacangelin karo.

Shrcigaas ayay xukuumadda Hongkong gebi ahaanba laashay, laakiin dibedbaxyadu ma aysan istaagin.

Maamulka Hongkong ayaa dan ahaan hoos taga dalweynaha Shiinaha, laakiin waxa uu leeyahay shuruuc iyo nidaam u gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here