Galbeedka Afrika oo ku guuldaraystay inay gaaraan Yurub iyoTahriibayaal lacag ay xadeen ku aaday safar Yurub ah oo jab iyo faquuq ka qaaday,

0
365

Inta badan muhaajiriinta ka soo jeeda Galbeedka Afrika ee ku guul dareystay inay gaaraan Yurub ayaa dalkoodii hooyo ku soo laabto, balse waxay noqon kartaa soo noqosho aad u qaraar. Dalka Sierra Leone, muhaajirinta soo laabta ayaa waxaa diida oo caqabad ku noqdo qaraabadood iyo saaxibbadood, oo waxaa loo arkaa inay yihiin dad guul darreystay, sababtooda qaar badan oo ka mid ah ayaa waxay lacagta ay ku tahriibaan ka xadaan qoysaskooda.

Fatmata marka ay xusuusato lixdii bilood oo ay xaas la addoonsado u ahayd nin reer miyi ahaa oo u dhashay qomiyadda Tuareg kaasi oo ka qafaashay saxaraha.

”Waxaa logu magacaabi jiray Axmed. Waxaa uu ahaa nin aad u xoog badan,” ayay tiri. ”Waxa uu igu yiri waxaad tahay addoon weliba madow ah, waxaadna ka timaaddeen cadaabta.’ Waxaa kaloo uu igu yiri marka aad haysato addoon, waxaad ku sameyn kartaa waxa aad rabto. Isaga kaligii ma ahan oo mararka qaar saaxibadii ayuu u yeerayaa oo ku dhahayaa, ‘Waad dhadhamin kartaan wax kastoo yaalla gurigeyga.’ Maalinkasta way i jirdilayeen oo waxay rabaan ayay iga sameysanayeen.”

Fatmata, oo 28, sano jir ah ayay bilow u ahayd dhibaatadaasi. Waxaa u suuro gashay inay ka baxsato gacanta Axmed balse nasiib darro waxay gacanta u gashay dadka wax tahriibiya ama magafe kuwaasi oo geeyay xaruun iyaga gaar u ah oo ay hayaan muhaajiriinta ku taamaaya inay mar uun Yurub gaaraan.

Ka dib markii iyada iyo muhaajirintii kale ay ka baxsadeen xaruntii lagfu hayay,Fatmata, way niyad jabtay waxayna go’aansatay inay soo afmeerto riyadeedii ahayd inay Yurub ka sameysato nolol cusub.

Bishii Diseemabar ee sannadkii hore ayay dib ugu soo laabatay magaalada Freetown iyadoo dalkeeda ka maqnayd ku dhowaad muddo laba sanadood ah balse nasiib darro ma aysan helin soo dhaweyntii ay ka sugeysay qoyskeeda oo ay dib ula midowday.

Haatan iyadoo xilligii ay dalkeeda hooyo dib ugu soo laabatay laga joogo muddo sannad ah, Fatmata ma aysan la kulmin hooyadeed iyo gabadhii ay dhashay oo haatan siddeed sano jir ah.

”Aad ayaan ugu faraxsanaa markii aan soo laabanayay”, ayay tiri ”Balse maba wanaagsanayn inaan soo laabto.”

Markii ay soo laabatay, waxay telefoonka ka wacday aabeheed. Balse jaawaabtii uu siiyay ayaa ka nixisay.” Waxa uu igu yiri, ‘Xitaa ma ahayn inaad dalka dib ugu soo laabato oo waxay ahayd inaad ku dhimato halkii aad aadday, sababtoo ah wax faa’iido ah lamadaan soo noqon.”’

Markaa ka dib, waxay tiri ”Ma lihi wadnihii aan hooyaday ku soo arki lahaa”.

Fatmata
Image captionFatmata

Laakiinse qoyskeeda kuma aysan diidin oo kaliya inay noqotay qof guul dareystay, waxaa sidoo kale lagu haystaa lacagtii ay ku kharash gareysay safarkeedii tahriibka.

Waxay xadday 25 milyan oo leone taasi oo qiyaas ahaan u dhiganta 2,600 oo doolar waa lacag ahaan aaduma badna balse eedadeed waxay u ahayd hanti aad u badan. Waxaa lacagta loogu dhiibay inay ku soo iibiso dhar ganacsi loogu talagalay oo eedadeed ayaa aad u aamini jirtay Fatmata.

Sheekooyinka noocaan ah ayaa waxay ku dhacaan qoysas badan oo reer Sierra Leonean ah.

Jamilatu
Image captionJamilatu

Dhanka kale Jamilatu waxay ka mid tahay gabdhaha tahriibay oo lacagaha ka xaday qoysaskooda waa siddeed iyo labaan sano jiro oo ay Fatmata iskala baxsadeen xaruntii magafeyasha ee Algeria, Waxayna qolka hooyadeed ka xadday lacag dhan $3,500 oo doolar balse lacagtaasi xitaa hooyadeed ma lahayn oo waxaa shirkad ku ahaa xaafado badan oo dariska ah.

Ka dib markii ay Jamilatu tahriibtay dadkii lacagta lahaa oo careysan waxay qabsadeen hooyadeed iyagoo ugu goodiyay inay dilayaan haddii ay lacata soo celin weyso. Waxaa khasab ku noqotay inay magaalada Freetown ka soo cararto oo ay u soo haajirto Bo.

”Hooyaday ma dooneyso inay ila hadasho lacagtii aan xaday awgeed”, ayay tiri Jamilatu. ”Sidaa darteed tan iyo markii soo laabaty maan arag hooyadey. Waxaan rabaa inaan iyado arko sababtoo ah muddo laba sannadood ah ma arkin”.

Jamilatu iyo hooyadeed
Image captionJamilatu iyo hooyadeed

Waxaan booqday guriga hooyadeed Maryatu oo ku yaalla Bo, wadahadal dheer oo na dhexmaray kaddib waxay ii shegtay iney dooneyso markale iney aragto gabadheeda Jamilatu, maadaamaa ay dhibaata badan la kulantay.

Jamilatu waxay toos ugu noqotay magaalada Freetown.

“Maanta waxaan ahay haweeneyda dunida ugu faraxsan maxaa yeelay,” ayey sheegtay. Balse uma eko qof faraxsan. Waxayna hooyadeed u sheegtay iney iyada iyo gabdheeda Jamilatu ay guri ku wada noolaaneyn ilaa ay gabdheeda bixiso deynti ay iyada darteed u gashay.

Sideey ku suuragaleysaa Jamilatu si l amid ah Fatmata shaqa ma hayso labadooduba waxay taageera ka helaan hay’ad u qaabilsan ka hortagga tahriibka.

Sheku Bangura laftiisa wuxuu ka mid yahay dadka tahriibka ka soo laabtay wuxuuna u ololeeyaa iney dowladda Sierra Leon ay wax u qabato dadka wakhti xaadirkan tahriibka ka soo noqday ee dalkooda hooyo ku soo laabtay.

Wuxuu soo dhaweeyaa dadka tahriibka ka soo noqda, wuxuuna garab ka siiyaa haddii ay booliska wax dhibah kala kulmaan isla-markaana la talin dhinaca maskaxda uu siiyo.

Sheku Bangura
Image captionSheku Bangura

Alimamy oo 21 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka saxaraha muddo seddex sana ah dhibaata kala soo kulmay. Wuxuuna Alimamy sheegay laba wiil oo ay tahriibka ku wada jireen oo ay saaxibba ahaayeen iney tahriibka ugu dhinteen harraad.

Alimamy
Image captionAlimamy

Alimamy laftiisa aad buu uga niyad jabay safarkiisa tahriibka ee natiija la’aanta ku soo dhammaaday. “Waddanka ayaan ku soo laabtay, wax aan meesha ku hayo, waxaan la mid ahay un qof hadda billow ah oo kale.” ayuu yiri.

“Halka aan anigu ku noolaa waxay la mid ahayd cadaab oo kale. Farxad ma dareemayo. dadki aan la noolaana waxay ii arkayeen inaan bani aadamba ahayn.”

Hay'ad arrimahan u ololeyso waxay ka shaqeysaa bulshada iney ka wacyigeliso tahriibka

Seddex qof oo ka mid ah dadka tahriibka ka soo laabtay ayaa ka qayb qaadanaya “wacyigelinta bulshada”. Waxayna marweliba waddooyinka u soo baxaan iyaga oo boorar tahriibka ay kaga soo horjeedaan wato.

Azis on the beach in France

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here