Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani ee Gobalka Awdal ka jawaabay .

0
342

Rashiid Cabdi Jaamac oo ah Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani ee Gobalka Awdal ayaa Jawab adag siiyey Siyaasiinta Gobalka Awdal ka soo Jeeda ee Xukuumada ku jira qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayaa wuxu ku yiri:-

“Siyaasiyiinta Gobolka Awdal kaa soo jeeda ee Xukuumada ku jira Looma Dirsan in ay Hanjabaad aan waxba tarayn Bulshada kula soo Noqdaan; ee Tabashada Xadhkaha Goosatay, Dulmiga, Cadaalad darada, Cabudhinta, iyo Dhul boobka Gobolka Awdal Lagu Hayo bay Wax ka Qaban Lahaayeen.

Umada Aad Matashaan ee Duruufaha Dhaqaale La Daalaa Dhacaya ayaad u hadli lahaydeen.

Korneelka aad Qaarkiin la siman tihiin Qaarkiina Maamula ayaad Hortiisa Garnaqsi kula geli lahaydeen, intaad Odayaasha aan waxba Gacanta ugu jirin huteel iskugu yeedheen hanjabaad bilaa Damiir ah la soo hortaagan tihiin.

Mar dambe Bulshada waxan oo kale ha ula imanina hadaad ilaahay taqaanaan”

Sawirka Abdizalan Sultan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here