Nuxurka Shir-Doceedyo Ay Jilbaha Is Dhigeen Madaxweyne Kuxigeenka iyo Odoyaasha Waxgaradka Gobolka Awdal

0
341
Nuxurka Shir-Doceedyo Ay Jilbaha Is Dhigeen Madaxweyne Kuxigeenka iyo Odoyaasha Waxgaradka Gobolka Awdal

Labadii Maalmood ee U Dambeeyay Shirar Doceedyo Xoogan oo Noocooda ah ayaa ka Socdey Gudaha Magaalada Boorame, kuwaas oo Dulucdoodu u badneyd in hoos loogu dhaadhaco Nabarka Tabashada Gobolka Awdal iyo halka Xaqiiqdiisu daaran tahey.
In ka hadan boqolaal Kamid ah Waxgaradka, Odoyaasha, Culimada, Madaxda Dhaqanka, iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada, ayaa qeyb ka ahaa Shirar Doceedyadan, oo qaarkood garnaqsi iyo in Si Qaawan loo Wada hadlo u badnaa, Walow ay Shirarkan ku kali ahaayeen dhinaca Xukuumada Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi(Saylici), iyo Gudoomiye/kuxigeenka Golaha Wakiilada Axmed-yaasiin Sheekh Cali.Ayaanle, oo loo Gudbiyay Nuxurka tabashada iyo Waxa laga tirsanayo iyaga laf ahaantooda, (Madaxweyne-Kuxigeenka,Gudoomi ye Kuxigeenka), iyo Xukuumadda ha u horeeyo(Madaxweynuhu iyo Wasiirka Gudaha), ay katirsanayeen.
Shir-doceedyadan, oo Wajiga hore ee Kulanadoodu aad u adkaayeen, Waxa ay Qaar Kamid ah Odoyaashu ka dalbadeen Madaxweyne Kuxigeenka in Xukuumada Looga baahan yahey Dhaqaale lagaga hawlgalo Sidii loo soo gabagabayn lahaa Arinta la Xidhiidha Suldaan Wabar iyo Jabhadiisa, taas oo kahadlkeeda ay sitoos ah u Sheegeen haseyeeshee, Madaxweyne Kuxigeenku Waxa uu Shirkii ugu Dambeeyay u hadley Si adag, isagoo siqoto dheer ugu garnaqsadey, hadal furan iyo Mid Hoose labadaba Waxa uu Cod dheer ku Sheegay in Madaxweyne Kuxigeenkii (Hore usoo Qabtey),Iyo Madaxweynihii Daahir Rayaale soo Qabtey iyo Kuxigeenka ay Maanta Reer Awdal joogaan, intuba Tahey mid Illaahay keenay oo aan Cidina Awood ku helin Sidaa daraadeedna 27 Sano oo Somaliland jirtey, Gobol ahaan Reer Awdal ku Dhismeen Dhaqaale ahaan Waxbarasho ahaan, Caafimaad ahaan iyo Door Siyaasadeed intaba, Sidaa daraadeedna hadii Tabashadu Tahey in Beelaha Reer Awdal dhexdoodu isu daniyaan In laga Sadbursadey aaney taasi marnaba ku Suurtagaleyn in Nabedgalyo Darro Wax lagu kala qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here