Suldaan Sahardiid iyo Haldoorka Beesha Habaryoonis Ee UK Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Suldaan Sh.Yuusuf Cabdi Cawed

0
369

Suldaan Sahardiid iyo Haldoorka Beesha Habaryoonis Ee UK Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Suldaan Sh.Yuusuf Cabdi Cawed

Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin iyo qaar kamida Haldoorka iyo mudanta beesha Habaryoonis ee ku dhaqan cariga Ingiriiska ayaa munaasibad hadhimo sharafeed ah ku maamuusay Suldaan Sh.Yuusuf Cabdi Cawed oo kamida Salaadiinta miisaanka culus ee kasoo jeeda Somaliland.

 

Munaasibadan hadhimo-sharafeedka ah ee lagu maamuusay Suldaan Sh.Yuusuf Cabdi Cawed oo ahayd madal si mugle loosoo qabanqabiyey isla markaasina kulmisay haldoorka iyo labeenta bulshada ku dhaqan UK ayaa ka qabsoontay Savannah Restaurant ee magaalada London.

 

Madax-dhaqameedkii iyo haldoorkii ka hadlay madasha ayaa dhamaantood ka marag kacay muga iyo miisaanka shaqsiyadeed ee Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawed, kaasi oo ay tilmaameen doorkii muhiimka ahaa ee uu kasoo qaatay dhismaha qaranka iyo wadajirka bulshada reer Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here