War ka soo baxaymaanta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somalilandoo ay werisayWakaaladda Wararka Somaliland ee

Hargeysa(Burcoonline) 19.11.2019 -War ka soo baxaymaanta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somalilandoo ay werisayWakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in loo xidhayIsniintii Telefishanka HCTV, kadib markii uu baahiyey Warar aan run aheyn, isla markaana ay ku xadgudbeen Xeerka Saxaafadda Somalilandee Xeer No. 27/2004.

 

Warka ay soo saartay Wasaaradda Warfaafintu, waxaa lagu iftiimiyey in HCTV uu faafiyey warar aan xaqiiqo aheyn oo dhinac ka raran,oo ka hor imanaya Xeerka SaxaafaddaSomalilandee XEERNo.27/2004iyo heshiiskii is-fahamka ahaa ay dhawaan wadajir u kala saxeexdeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ka Wakiil ah Xukuumadda JSL iyo Telefishannada madaxa-bannaan ee dalka oo isku raacay in warbaahinta ay dheelitiraan wararka ay ka baahinayaan dalka, laganawaantoobo faafinta wararka aan jirin.

Waxa kaloo,Masuuliyiinta Warfaafintu ay caddeeyeenin HCTV ku xadgudbayQodobbada 13-aad iyo 19-aad ee Xeerka Saxaafadda oo ka hadlaya Raadinta Xaqiiqda wararka iyo dheelitirkooda.

Sidaas darteed, Wasaaradda Warfaafintu waxa ay uxaqiijisay Wakaaladda Wararka ee SOLNA,in aanay jirin sababo kale oo loo xidhay Tifaftiraha iyo Xaruntadhexe ee Telefishanka HCTV, hase ahaatee loo xidhay markii ay u hoggaansamiwaayeen xeerkii Saxaafadda iyo is-afgaradkii ay wax ka saxeexeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here