Iyadoo Iska Dhigeysa Qof Pizza Dalbanaya Ayey Booliska Ku Wargalisay Dhibkii Ku Heystay Guriga

0
395

Haweeney ku jirtay qalalaase dhinaca qoyska ah ayey u suurtagashay inay wacdo lambarka deg-degga ah ee gurmadka booliska Mareykanka, 911, mana uusan garanin qofka dhibaatada ku hayay, maadaama ay iska dhigeysay inay dalbaneyso raashinka loo yaqaanno pizza-da.

Saraakiisha booliska ee magaalada Oregon, oo ka tirsan gobolka Ohio, ayaa amaanay sida dhakhsada badan ee ay haweeneydaas ku keentay fikradda cajiibka ah ee horseedday in lasoo xiro eedeysanaha loo heysto inuu ku dhibaateynayay guriga.

Gabadhan oo aan magaceeda la shaacinin ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in hooyadeed la weerarayay wakhtigaas.

Xeeladda noocan ah ee lagu wacayo booliska ayaa muddo sanado ah la iskula dhexmarayay internet-ka, laakiin kiiskan oo dhif ah ayaa ka mid ah kuwa la xaqiijiyay in si dhab ah loogu adeegsaday fikraddaas.

Hase yeeshee, taliska booliska ayaa horay uga digay inuusan jirin wax damaanadqaad ah oo la xiriira in xeeladdan ay sida loogu talagalay u shaqeyn karto.

Ciidamada booliska ee ku sugan saldhigyada ayaan u tababarneyn inay durba kala gartaan qof si sax ah pizza u dalbanaya iyo qof caawinaad u baahan.

 

Askariga gurmadka u sameeyay haweeneydaas, oo lagu magacaabo Tim Teneyck, ayaa warbaahinta maxalliga ah ee 13 ABC u sheegay in markii hore uu u maleynayay inay soo wacday lambar khaldan.

Markii ay ku adkeysatay inay la hadleyso qoladii ay ujeeddadeedu ahayd, ayuu gartay xaaladda dhabta ah – maadaama uu horay baraha bulshada ee internet-ka ugu arkay arrimo noocaasoo kale ah.

“Waxaad ku arkeysaa Facebook, laakiin ma aha arrin waligeed qof loo tababaray”, ayuu yiri Mr Teneyck. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuuna intaas ku daray: “Askarta kale ee aan la hadlay waxay ii sheegeen inaysan wax ka qaban lahayn arrintanoo kale”.

Maxay tiri gabadha wacday Lambarka booliska?

.

Waa kan wadasheekeysigoodii oo qoraal ah.

Mr Teneyck: Oregon 911

Gabdha: Waxaan u baahanahay inaan dalbado pizza, cinwaanka gurigeygana waa [waa la qariyay cinwaanka].

Mr Teneyck: Ma waxaad soo wacday 911 si aad u dalbato pizza?

Gabdha: Haa, sax. guriga aan dagnahay waa [waa la qariyay].

Mr Teneyck: Lambar khaldan ayaad soo wacday haddaad rabtay pizza…

Gabdha: Maya, maya, maya. Adiga ayaan i fahmeynin.

Mr Teneyck: Waan ku fahmayaa hadda.

Wicitaanka qeybihiisii dambe, haweeneyda ayaa heshay qaab xeelad ay uga jawaabto su’aalaha Mr Teneyck oo jawaabahoodu ay ahaayeen haa ama maya, kuwaasoo ku saabsanaa inta ay la egtahay khatarta ay ku jireen iyada iyo hooyadeed iyo waliba nooca ay tahay caawinaadda ay u baahnaayeen.

Mr Teneyck: Qofka kale wali ma wuxuu joogaa meesha?

Gabdha: Haa, waxaan rabaa pizza weyn.

Mr Teneyck: Hagaag. Ka warran daawo, ma u baahan tahay daweyn?

Gabdha: Maya. Barbarooni kusoo dar

Xagey ka timid fikradda pizza-da?

Ma cadda halka ay asal ahaan ka timid fikraddaas, laakiin dhacdo si aad ah ugu eg tan ayaa xeeladdas loogu adeegsaday ol’ole ay sanadkii 2010-kii sameysay hay’ad hoy siisa haweenka oo ku taalla dalka Norway.

Afar sano ka dib, bishii May ee sanadkii 2014-kii qof ka qeyb galayay dood dhinaca internet-ka ah oo ka socotay website lagu magacaabo Reddit, oo sheeganayay inuu ka mid yahay askarta ka howlgasha adeegga 911, ayaa sheegay inuu soo wacay qof dhibane ku ahaa gurigiisa, isagoo iska dhigaya inuu pizza dalbanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here