Sawirka Trump Oo Laga Diiday Safaarad U Mareykanka Leeyahay

0
390

Madaxweyne Donald Trump ayaa weeraray safiir ka marag kacaday baaritaanka Trump ee Ukrain, isaga oo ku andacoonaya inay diidday in sawirkiisa la suro safaaradda Mareykanka ee Ukraine.

Mr Trump ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in danjirhii hore Marie Yovanovitch aysan doonayan in sawirkiisa la suro safaaraadda Mareykanka ee magaalada Kyiv, balse madaxweynaha ma uusan sheegin faaf-faahin dheeraad ah.

Ms Yovanovitch ayaa toddobaadkii hore ku marag kacday in shaqada looga eryay sheegashooyin been abuur ahaa oo ay sameeyeen dad ujeeddooyin gaar ah leh.

Waxay ka mid ahayd 12ka marqaati ee ku marag furay dhageysigii dacwadda xil ka qaadista madaxweyne Trump, taasi oo ay suurogal tahay in madaxweyne Trump uu xilkiisa ku waayo musuqmaasuqa la sheegay inuu ku kacay.

Muxuu Madaxweyne Trump u sheegay warbaahinta Fox?

Donald Trump

Wareysi dhanka telefoonka ah ee uu Trump siiyay Fox ayuu ku difaacay shaqa ka ceyrinta Ms Yovanovitch.

”Danjirahan, oo uu qof kasta leeyahay waxay ahayd cajiib, sawirkayga ma aysan surin safaaradda”, ayuu yiri Mr Trump.

”Waxay safaaradda madax ka ahayd ku dhowaad muddo laba sannadood ah”.

”Waxay iga sheegtay waxyaabo xun xun, wayna i difaaci waysay, marka anigana waxaan leeyahay xuquuqda aan ku beddeli karo safiirka.” ayuu yiri Trump.

”Qoraalada Twitter-ka ee Trump waxay ahaayeen kuwo cabsi gelin ah”, ayay tiri Yovanovitch.

Maxaa shaqada looga eryay Marie Yovanovitch?

Marie Yovanovitch oo ah 33 Jir ka hawl galeysay safaaradda Mareykanka ee magaalada Kyiv ayaa bishii May shaqada laga erayay sababo weli mugdi ku jira.

Waxay sheegtay in dadaaladeedii ka dhanka ahaa musuqmaasuqa ay sababeen in shaqadeedii ay ku weyso.

Ms Yovanovitch ayaa sheegtay in cadawgeeda ay u muuqdeen inay xulafeysi ka heleen maamulka Trump, kuwaasi oo ay sheegtay inuu ka mid yahay qareenka gaarka ah ee maaxweyne Trump Rudy Giuliani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here