19 rakaab ku dhintay diyaarad ku dul dhacday magaalada Goma ee dalka Congo

0
312

Ugu yaraan 19 rakaab ah ayaa ku dhintay, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaarad nooca rakaabka qaaday ay ku dul dhacday magaalada camiran ee Goma, ee galbeedka dalkaasi Kongo.

Wali ma cadda tirada rasmiga ah ee diyaaradda saarnaa, waxaana socda baadigoob lagu hayo goobta uu shilka ka dhacay oo ay gaareen hay`adaha kala duwan ee gar-gaarka.

Diyaaradda dhacday oo nooceeda lagu sheegay Dornie ayaa waxaa ay ku jeeday magaalo 35 km u jirta magaalada Goma, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradda laheyd ee Busy Bee.

Wax yar uun kadib markii ay kacday ayay dhacday, waxaana ay ku dul habsatay guryo dad daggan yihiin.

Wali ma cadda waxa sababay shilka diyaaraddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here