Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ku Cabiray Gabay Taariikhduu Soo Maray Iyo Dadka Inta Uu Abaal U Hayo Iyo Inta Uu Necebyahay

0
503
1 Da,yartii caruurnimo dibjirbaan ahaan jiray oo dooxaan u hoyanjiray.
2 Duunyo aabo muu hayn dadkuna dayro mooyee deeq nooma fidinjirin.
3 Dugsi dhigashadiisii iyo dadka barasha doodii daranyaan usoo maray.
4 Dawladdii kacaankii inta aan dadaal galay darajoiyin la,isii.
5 Dadaalkii an muujiyo duruustii la,iidhigay duuliye la,iiqaad.
6 Dibu noqoshadaydii damicii isoo galay dal xorayntii buu haa.
7 Dawladdii kacaankii daf markaan is nidhiyee dadku uu dagaal galay
8 Dadkii iga mudnaanjiray darajana kor iga xigay dagaal kay ku hoobteen
9 Iniguna dareenkay dib intaan u laabtaan dulcad aan ku gaabsaday
10 Damacaygu muu hayn inta aan dagaal galo in dariiqa lay dhigo
11 Duhur haadka duuliyo dugaaguba idiirtaan
12 Dalka tuur xornimaddii markii duubka loo xidhay kii dagaal gashaan ahay
13 Dadaalkeenii boorama dalka habar awal markuu helay daakhili la iidhiib
14 Dadkii nala dagaalamay ee dalka dumiya lagu yidhi ninkii didiyay baan ahay
15 Duqaydii ergada hayd dayni maayo baan idhi ee dabci qorigu hay furo
16 Dagaalkii sokeeyaha markaan dabarka kaga xidhay doqonkii cigaal haa ana dibadda ii saar oo axmed jambiir igu badal
17 Dib intaan ulaabtaan dagaankii calaydh iyo reer samatar door biday
18 Doorashadii dadwaynuhu xisbiyadda u door biday dadaalkaygu muu hadhin
19 Damacaygii madaxnimo dariiqaan usoo maray dadku badi iwada hiif
20 Duqaan hore udoortiyo dagmadaa qodaalkiyo dunji ciisa muusiyo dunta samatar mooyee dadka kale i wadda diid
21 Mar hadaan dadaalkii dusha sare usoo baxay wixii danbaba yeelkii ma dan baan ka leeyahay
22 Dadkii ii dadaaliyo xigtadayda gaarka ah dadkii ii darnaanjiray waa inan dulmariyaa
23 Dubay waanigii tagay oo daaraan ka iibsaday dakadiina faasaxay
24 Dadka aan dambaabana doobkii uwaynaa deeqaan u doonoo dariskayga weeyaan
25 Da,yartii kaleetana dumarkii badh mooyee dibadaan u wada diray
26 Anigana da,daydii waxan soo dadaalaba dabayaaqo weeyaan
27 Hadii uu dagaal dhaco ama uu dalkuba dumo ma danbaan kaleeyahay wixii dumaba yeelkii……..
La soco qaybta danbe
Hargeisa,somaliland
AFEEF:

Qoryaalenews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale qoran . Qoraaga ayaa xumaanteeda iyo Wanaageda leh. xushmadeeda iyo xilkeeda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here