“Madaxweyne Ma Tihid Kaligii Taliye, Xukun Milatari Dalka Ku Qabsaday, Ee Is Adkaynta Iska Daa”Xildhibaan Maxamed

0
337

Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay muddo kordhinta loo sameeyey Golaha uu ka tirsan yahay, waxaanu xusay in sharciyan qayrul sharci rahay Gole muddo dhaaf ah oo aan loo sameeyn muddo kordhin sharciga waafaqsan in wixii ay soo saaraan ay sharci daro yihiin, waxaanu ku taliyey in la diyaariyo qaabkii loo qaban lahaa Doorashada Wakiilada, si aanay mar dambe muddo kordhin u dhicin.

Xildhibaan Maxamed Salaax Cige oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweyne baaq u diray, waxaanu ugu horeyn yidhi “Golayaal muddo dhaaf ah, oo aan sharci ku fadhiyin, waxay soo saarana waa qayrul sharci, laakiin marka ay Doorashadu dib u dhacdo, oo haddii Doorashada lagu qaban kari waayo wakhtigii loo qabtay, waxaa qasab ah in muddo kordhin timaado, Golaha Wakiiladana waxaa bedeli kara Gole Wakiilo oo la soo doortay, laakiin mar haddii mar kale muddo kordhin la sameeyey, in la is dhigto maaha ee waa in laga sii hawlgalo sidii loo sidii loo diyaarin lahaa Doorashada Wakiilada iyo qaabkii loo qaban lahaa, wax kasta oo xanibi karana waa in la sii dhammeeya, si aanay mar kale dib u dhac Doorasho iyo muddo kordhin dambe u iman, laakiin in Golaha Guurtidu muddo kordhin u sameeyso Wakiilada waa sharci madaama aanay Doorashadu diyaar ahayn”.

Mar uu baaq u diraayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweyne waa lagu doortay, oo cod baa lagu doortay, oo dalka adiga ayaa maanta ka Madaxweyne ah, ee Madaxweyne ma tihid kaligii taliye, xukun milatari dalka ku qabsaday, ee is adkaynta iska daa, sharcigana u soo noqono, mana wacna inaad mar walba taada ku taagnato, sida la og yahayna xubnaha aad ku dhegsan tahay ee aad doonayso inay noqdaan Komishanka Doorashooyinka Sharciyan ma noqon karaan, Sharciguna uma ogola sida aan horeba u sheegay, laakiin in ergada ku timid diido may ahayn, Xisbiyada Mucaaradkana waxaa la gudboon inay Maxkamadda tagaan, oo wixii caddaymo ah ee ay ahaan u gudbiyaan”.

Mar uu ka hadlaayey Madax-dhaqameedka ayaa yidhi “Guud ahaan Salaadiinta iyo  Madax-dhaqameedka inay qabyaalad iyo cunsiyad ka hadlaan, loogama baahna, ee waxaa looga baahan yahay in dhaqanka iyo xilka umadda ka saaran ka hadlaan, kana shaqeeyaan, Boqor Buurmadawna aad buu u deg degay, oo waxaan loo diran buu ka hadlay”.

Dhanka kale wuxuu ku taliyey in la soo daayo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee xidhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here