Maxkamad Ku Taalla Hindiya Ayaa Sheegtay In Dunidoo Dhan Ay “Ku Qosleyso” Hawadooda Wasakheysan

0
331

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Hindiya ayaa sheegtay in caalamku uu ‘ku qoslayo’ arrimaha ku saabsan hawada wasakheysan ee wadankaas.

Garsoorka maxkamadda ayaa dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada si adag u canaantay waxa ay ku qeexeen guuldarrada ku aaddan la tacaalista hawada wasakheysan.

Maanta oo Isniin ah, mid ka mid ah xaakinnada ayaa yiri: “Bambooyin ku qarxiya oo mar qura wada dila, maxay dadku ugu rafaadayaan waxan?”.

Muddo isbuucyo ah ayaa qeybaha waqooyi ee dalka Hindiya laga arkayaa hawada wasakheysan oo saameyn badan yeelatay, halka magaalada caasimadda ah ee Delhi “uu qariyay qiiq”.

Waaxda qiimeynta hawada ayaa maanta sheegtay in heerka wasakhowga hawada ee Delhi uu gaaray 339. Hawo wanaagsan ayaa ah tan uu heerkeedu u dhaxeeyo 0 ilaa 50.

Xaddigan ayaa la filayaa inuu hoos u dhaco, maadaama la saadaaliyay inay maalmaha soo socda roobab ka di’i doonaan magaalada caasimadda ah.

Garsooreyaasha ayaa sheegay inay mas’uuliyiinta dowladda kula xisaabtami doonaan sida ay ugu guul darreysteen inay wax ka qabtaan beeraleyda Delhi iyo gobollada ku dhow ee gubaya cowska beerahooda.

Marka uu sanadku xilligan marayo, beeraleyda ayaa guba cowska, si ay dhulkooda u nadiifiyaan, arrintaas ayaana kaalin weyn ka qaadata wasakhowga hawada.

Naqaska gawaarida iyo sidoo kale warshadaha ayaa qeyb ka ah qiiqa mugdiga sababay tan iyo bishii lasoo dhaafay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in lasoo gaabiyay nolosha dad badan oo reer Hindiya ah oo ku nool Delhi iyo agagaarkeeda, maadaama ay “ku neef qabatoomaan” qiiqa.

Waxay dowladda Delhi ka dalbatay inay la timaaddo qorshe hawada lagu nadiifinayo, muddo 10 maalmood gudahood ah.

Qorshahaas ayaa ku saabsan in magaalada lagu xiro qalab baabi’iya qiiqa.

. 

Hay’adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in afar meelood saddex meel oo ka mid ah kansarka sambabbada uu ka dhasho hawada wasakheysan.

Dalka Pakistan ayaa sidoo kale la dhibaatoonaya xaalad taas la mid ah.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa taageerayaasheeda caalamka daafihiisa kala duwan ku sugan ugu baaqday inay ol’ole sameeyaan iyagoo wakiil ka ah dadka ku nool magaalada Lahore ee waddanka Pakistan.

“Tallaabada ay dowladdu u qaadi la’dahay wax ka qabashada qiiqa magaalada Lahore waa arrin sare u qaadeysa walaaca laga qabo xuquuqda aadanaha. Hawada wasakheysan waxay khatar galineysaa xaqa uu qof kasta u leeyahay caafimaadka”, ayey tiri Rimmel Mohydin, oo Amnesty International u qaabilsan ol’olaha Koonfurta Aasiya.

Dowladda ayaa ugu yaraan saddex maalmood oo ka mid ah bishan xirtay iskuullo ku yaalla magaalada Lahore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here