Akhri: Fal Ugub Ah Oo Dul Hoganaya SONYO, Iyo Muwaadin Ku Guulaystay Tartan Loo Galay BOOSKA Agaasimaha Guud Oo Hakad Lagaliyay”

0
328

Akhri: Fal Ugub Ah Oo Dul Hoganaya SONYO, Iyo Muwaadin Ku Guulaystay Tartan Loo Galay BOOSKA Agaasimaha
Guud Oo Hakad Lagaliyay. ­Dhacdo ugub ah oo aan hore Somaliland uga dhicin ayaa dul hoganaysa Dalladda Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, waxaana muuqata farogalin toos ah oo awood ka saraysaa ay ku curyaaminayso sii jiritaanka Mustaqbalka Dalladdan. Imtixaan loo galay jagada agaasimaha fulinta SONYO oo ay wada qaadeen Wasaaradda Shaqo galinta JSL iyo Golaha fulinta ee SONYO oo ay soo xeraysteen dad gaadhaya 150 qof, ayaa waxa ay dallada dhalinyarada SONYO iyo Wasaarada shaqogalinta oo u qaabilsan dawlada qaadista imtixaanada shaqooyinku ay ku shaaciyeen (Lifaaqa hoose ka fiirso) inuu ku guulaystay Muqaadin /Aqoonyahan da’yar oo reer Somaliland ah oo lagu magaabo Abdihamid Mohamed Omer. Balse waxa arin layaablihi kasoo yeedhay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, waxaanu soo saaray warqad uu shaqada kaga hakinayo muwaadinkaasi imtixaanka ku helay jagadaasi. Sidoo kale Waxaa isna ka falceliyey oo u jawaabay Wasiirka, Gudoomiyaha dallada Sonyo oo sheegay inuu nidaam sharciya ku tartamay kuna guulaystay Abdihamid, haddana yahay shaqaale sonyo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here