Beesha caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka barlamaanka iyo kuwa golaha deegaanka ee Soomaaliland iyo sidoo kale cabudhinta lagu hayo siyaasiyiinta iyo saxaafada.

0
339
Beesha caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka barlamaanka iyo kuwa golaha deegaanka ee Soomaaliland iyo sidoo kale cabudhinta lagu hayo siyaasiyiinta iyo saxaafada.War saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka lagu yidhi,” Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay go’aanka Guurtida ee muddo kordhinta loogu sameeyay labada gole.

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la ixtiraamo heshiiskii xisbiyada siyaasadeed ee la gaadhay bishii Luulyo 2019, kaasoo ahmiyad siinayay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo Golayasha  Degaanka.

”Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqeen sumcadda dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo heerka caalamiga ah. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahay xariga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka.” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka.

Beesha caalamka waxay ugu baaqday xukuumada iyo dhamaan hawl wadeenada siyaasadeed ee Somaliland inay dib u xaqiijiyaan, iyada oo loo adeegsanayo heshiiska labada dhinac, is-afgarad iyo isu tanaasul, si loo helo dariiqa loo maro jahwareerka hadda jira si doorashooyinka baarlamaan iyo doorashooyinka deegaanku u dhacaan.

Dhinaca kale, beesha caalamku waxay bogaadisay dadaallada dhexdhexaadinta maxalliga ah ee socda, waxayna xaqiijisay inay taageerayso howlaha doorashada, balse waxay ku xirtay in la helo Guddi Doorasho oo dhiirrigeliya aaminaadda dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo sidoo kale muwaadiniinta reer Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here