Golaha Baarlamaanku Waa Rajo Xumo Soo Curatay

0
398

Waxaan halkan ka salmayaa dhamaan shabakadaha warbaahinta ee madaxa banaan ee markasta heeganka ugu jira in ay dadweynaha ka dhargiyaan waxa ay hayaan, hadii aan nuxurka hadalkayga u soo daadago waxaan jeclaystay in aan wax ka qoro rajo xumada ka soo curatay mudo kordhinta baarlamaanka baahiyaysan ee u soo tafo xaytay sidii ay bulshada baahan kolba u baabiin lahayeen iyo sida rajo xumadu ku jirto ee hantidii dadweynaha ay u boobayaan.

mawduucan oo baaxadiisa iyo balaadhkiisa wata ayaa waxaan jeclaan lahaa in aan kaga hadlo mudadii ay kuraasta madhan ku fadhiyeen maxay bulshada u qabteen, se maxay lunsadeen?!!!

Hadii aan dadka u bayaamiyo baarlamaanka Somaliland waxa ay u qayb samaan labada gole baarlamaan ee kala ah;

  • Golaha Guurtida ( Golaha Sare), waana golaha duqayda oo ka kooban 82 xilibaan, oo laga soo xulay beelaha Somaliland oo u dhan, shaqadooda ugu muhiimsani waa ilaalinta iyo xalinta nabada wadanka, sidoo kale waxa ay ansaxiyaan ama ka soo horjeedsadaan sharciyada ay soo bandhigaan golaha wakiiladu, waxa guddomiye u ah saleebaan maxamuud aadan( saleeban gaal)
  • Golaha Wakiilada ( Golaha Hoose ), waxaana laga soo doortay goboladda Somaliland, waxa la doortay sanadku markuu ahaa 2005 ilaa maanta iyaga inoo shaqeeya, waxa ay ka kooban yihiin 82 xilibaan oo ka soo kala jeeda gobolada wadanka.

 

Waxa ay bulshadu markasta daawataa, aragtaana  iyaga oo khilaaf, aflagaado, buuq iyo aqoon daro haysta awgeed la buuqaya oo hadalo turxaan leh baraha bulshada isku marinaya, iyaga oo ah hormoodkii umada Somaliland, xambaarsana magac ku dayasho mudan oo ka dhawaaq dheer xilalka kale.

Haddaba mawduucan oo aan ugu talo galay in aan kaga hadlo ama ku soo bandhigo qormooyin badan ayaa waxa aan ku soo koobayaa qormadan anniga oo bulshada u caddaynaya  halka ay rajo xumo ka tahay iyo sida ay rajo xumo ku noqon karto.

Mudadii dheerayd ee ay labada gole baarlamaan joogeen wadanka wax faa,iido ah oo la taaban karo kamay qaban dhinaca nabada, bal iska dhaafe nabadii iyo xasiloonidii shacabku kor ayay u sii kacday, ilaa hada sharci toos ah kamay soo saarin khilaafkan soo noqnoqonaya ee xisbiyada, sixir bararkii alaabta oo kor u sii kacay, dadkii ajanabiga ahaa oo soo badanaya iyo mudo kordhin aan xadba lahayn oo dhusha laga saarayo kolba, labada gole baarlamaan annigu waxa aan ku soo gaabinayaa shacabooow, bil kasta waxa ay qaataan celcelis ahaan lacag dhan

$1500 ugu yaraan hadii aanu ku dhufano ( $1500  X 164 =  $246,000 ) waa wadarta celcelis ee aan bishii ka soo qaatay bal igu dhufo sanadkii

( $246,000  X 12 = 2,952,000 ) waa lacagta sanadkii oo kaliyta ay qaataan,

Wixii aqoonyahan ah way fahmi karaan waxa lugu qaban karo lacagta intaas oo malyan dhan, tirada masaakiinta lugu quudin karo, askarta oo loogu dari karo, macalimiinta oo loogu kordhin karo iyo wax kale oo  badan.

 

 

 

  • Talo soo jeedin

Ku: Cidda Ay Khusayso.

Waxa aan ka codsan lahaa in mushaharka golaha baarlaamaanka laga jaro 30% oo loogu daro dadka u baahan sida ( Askarta, Macalimiinta, Bahda Caafimaadka) waayo iyaga ka mudan in la tageero oo wax lala qabto.

 

 

 

Qore :  Jimcaale Sheekh Cabdiraxmaan Madar

Email : jumcaale7@Gmail.Com

Whatsapp : +252-63-4428674

Hargeisa   –  Somaliland

 

 

 

AFEEF:

Qoryaalenews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale qoran . Qoraaga ayaa xumaanteeda iyo Wanaageda leh. xushmadeeda iyo xilkeeda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here