Halista Caafimad Ee Argagaxa Leh Ee Ku Dahsoon Maraq Digaaga

0
504

Waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaaga iyo midka qoyskaaga, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa “maraq digaaga” lagu daro suugada cunnada lagu cuno.

Maraq digaagu aad ayay soomaalida u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaane loogu yeelo, shirkadaha sameeyo maraq digaaga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: “Maggi”, “Oxo” “Jumbo”, “Knorr” iyo “CalNort”.

Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?

Xaqiiqada ugu horeyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin “Maraq Digaag”, taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin karo waxaana ka mid ah:
Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaga uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.
Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano “trans fat” oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha xirto.

“MSG”: Maadadaan waa waxa ugu qatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa “slow killing poison” oo macnaheedu yahay “suntii sida aayarka ah wax u dilaysay”, cilmibaarisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan “MSG” oo maraq digaaga ka buuxdo waxaa la ogaaday inay keento cudurka Goon-jabka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska “Ulcer”, Beer xanuunka, Hilmaanka / Foojignaan la’aanta iyo xanuun loo yaqaano “Fibromyalgia” oo soomalida ku soo badanayo sanadahaan dambe,
MSG waxaa laga soo gaabiyay “monosodium glutamate”

Lafo digaag: Markii shirkada “Maggi” ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la shiiday ama hilib la shiiday, waxaana la dhihi jiray wuxuu galayaa badalka digaaga ma hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayahaan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.

Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku carafsan kartid suugadaada sidii awalba ay soomaalida taqaanay, kabsarcaleenta, toonta, filfisha, xawaajiga iyo wixii la mid ah.

Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibne qaboojiyaha gasho oo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada.

Ogow waxaa jiro shirkado aanan ka fakaraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aadan aqoon u lahayn baaris ku samee inta aadan isticmaalin.

 

Turjumidii” Shaybe Cumar Cismaan 

 

 

QoryaaleNews.Net

Office Burco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here