Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya.

0
355

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya kadin warbixin uu maalmo ka hor siiyay ambaasadir James Swan.

Golaha ayaa ugu baaqay dawladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay dib u billaabaan wadahadalkooda si ay u xalliyaan khilaafka u dhexeeya.

Warbixinta kasoo baxday Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay inay walaac ka qabaan in khilaafkaasi uu caqabad ku noqon karo fulinta ajandayaasha qaran.

Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey dadaallada lagu doonayo in doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan dastuurka dalka lagu qabto sanadda 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here