War Deg Deg Ah:Madaxweyne Farmaajo Oo ka Qeyb-Galaya Shir Maanta ka furmaya Addis Ababa+Waxa Uu Ku Saabsanyahay”

0
364

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya uu ka furmo shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ay ka qeyb-galayaan Madax badan oo Afrikan ah.

Shirkaas ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb-galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana shirka diirada lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Shirkaas,isaga oo diiradda ku saari doono aragti siyaasadeed oo wanaagsan iyo warbixino ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Inta shirka lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka qeyb galaya shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here