“Somaliland Waa Qayb Ka Mid Ah Soomaaliya…” Warbixin Wakaaladda Wararka Ee Dalka Turkiga

0
435

Wakaaladda Wararka dalka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa warbixin ay ku eegaysay taageerada Turkigu siiyo Soomaaliya waxa ay ku sheegtay in dawladda Ankara door muhiim ah ku leedahay dhismaha geeddi socodka nabadda ee Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay in Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya “Isaga (Wasiir Cawad) oo xusaya taageerada Turkiga ee dhismaha geeddi socodka nabadda Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi “Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya,” sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta wakaaladda Turkiga.

 

Waxa ay warbixintu intaas raacisay “Wasiir Cawad oo sii adkaynaya in Soomaaliya soo dhawaynayso taageero kasta oo dawladda Turkigu ku horumarinayso xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in Muqdisho doonayso in walaalahood Somaliland dib ugu soo biiraan Soomaaliya.”

 

Warbixinta ayaa lagu sheegay in wasiir Cawad Salaasadii safar diblamaasiyadeed ku tagay Turkiga lana kulmay wasiirka arrimaha dibadda. waxa kale oo lagu sheegay in uu shaaciyay sida Soomaaliya uga soo horjeedo cunoqabataynta hubka ee saaran laakiin, Somaliland ayaa ka soo horjeeda in cunaqabataynta laga qaado Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here