Way fududahay In Dawlad Ladumiyaa . Lakin Way Adagtahay In Dawlad Ladhisaa.

0
400

Siyaasi maxamed suudi oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu sameynta badan somaliland gaar ahaan gobolka togdheer, ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay kaga faaloodey xalada somaliland ku sugan tahay, qoraalka oo dad tiro badan dhehdayn ayaa sidan u dhignaa.

Way fududahay in dawlad ladumiyaa .
Lakin way adagtahay in dawlad ladhisaa.

somaliland way 30 jirsanaysaa lakin lamahubo inay sodonka wax u dheeranayaan.
Hada waxa kamuuqata inay tahay sakaraad
ILAHAY se waxan uga baryayaa rafadkaa ay rafanayso inaanu Cid waxba kuyeelin

Waxa muuqda inaanu jirin caqli badbadinayaa
Waxaynu ognahay inuu dabar go’ay caligii asaasay . Waayeel iyo wax garadba ina sariirtay yaalaan ina luxudkay jifaan.

Guurtidii dalka badbadin jirtay waxay noqdeen faasid . Waxay marayaan dhaxalkii afraad iyo sadexaad .waxaynoqdeen boosas ama bakhaaro qoysas Lee yihiin oo lacag wacan ku kiraysan. Qoyskata 2000 doler ee ka qaato booska guurtida ayaa kala waynatay qaranaka

Madaxda had hogaanka u haysa dalka uma muuqato hormar lakin waxa u muuqata xasuuso hore iyo colaado hore oo qabyo ahaa
Imkana ay kutalaa jiraan inay wixii qabyoobay 30 sano ka hor inay dhamaystiraan.

Hada dalka qabiilooyinka ku dhaqan waxay hadal hayaan inay galeen wakhti qolawaliba isdifacayso oo ay Iska eegayaan inuu dagaal qabsado meel lagaga soqadayana anay garanayn .hubka noocyadiisa lagabayacayaa suuqyada . Waxa laga shekaysanayaa waa dagaaladii sokeeye iyo kuwii shisheeye

Waa nasiibdaro. Dalka hadii lawayo Cid bad baadisa
Waa nasiibdaro hadii la waayo madax isu tanasha
Waa nasiibdaro hadii la waayo odayaal .aqoonyahan.iyo wax garad go aano adag qaata. Oo talada u qabatay dadka iyo dalaka

M.suudi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here