London Bridge: Muxuu Ahaa Ninkii Weeraray Buundada London?

0
433

Booliska ayaa sheegay in ninka weeraray buundada London lagu magacaabay Usman Khan, kaas oo horey xabsi ugu muteystay lugtii uu ku lahaa qorshe bam lagu geyn lahaa suuqa sarifka iyo saamiyada ee London.

Khan, wuxuu ahaa 28 sano jir, wuxuuna xabsiga uga soo baxay fasax la soo siiyay. Wuxuu middi ku dilay laba qof, seddax kalena wuu ku dhaawacay London, ka dibna waxaa toogtay booliska hubeysan.

Tan iyo markii laga sii daayay xabsiga, bishii December ee sannadkan, wuxuu ku noolaa Stafford, sida BBC ay ogaatay.

Sannadkii 2012-kii, waxaa lagu xukumay xabsi aan waqti go’an lahayn “si dadka looga ilaaliyo halistiisa” taas oo aalaaba qaadata siddeed sano.

Xukunka ay maxkamadda ku riday wuxuu askarta u ogolaanayay in xilli intaa ka badan lagu sii hayn karo xabsiga.

Balse, maxkamadda racfaanka ayaa 2013-kii xukunkaas meesha ka saartay, waxaana lagu xukumay 16 sano, waxayna ahayd in Khan uu kala bar xabsiga ku qaato.

Ninkan oo ku dhashay kuna barbaaray, Stoke-on-Trent, waxaa xilligaas lala xiray siddeed qof oo kale.

Raggaas oo fikrad ahaan taabacsanaa Al-Qaacida, waxaa dhaqdhaqaaqooda si dhow ula socday sirdoonta Britain ee MI5.

Kooxda oo sagaal qof ka koobnayd, qorshayaal kala duwan ayaa loo dhiibay, kuwaas oo uu ka mid ahaa qorshe bam loogu xiri lahaa suuqa saamiyada sarifka ee London.

Khan iyo kooxda kale oo dhammaan ka soo jeeday Stoke, waxa sidoo kale la maqlay iyagoo ka wada hadlaya weerar ka dhici lahaa magaladooda, sida in walxa qarxa looga tago musqulaha iyo baararka nawaaxiga Stoke.

Sawirka Usman Khan oo ah qofka labad ee dhanka midigta

Mar waxaa la maqlay Khan oo ka sheekeynaya “sida bam loo farsameeyo” taas oo lagu soo gaarsiiyay wargeys Al-Qaacidda ay lahayd.

Sidoo kale waxaa la maqlay inuu dhaqaale u aruurinayay madarasa dibadda laga dhiso oo lagu hubeeyo laguna tababaro dadka kooxda taageersan, middaas oo Khan uu aadi lahaa.

Xukunkii maxkamadda racfaanka waxaa lagu yiri: “Kooxda waxyaabo kala duwan ayay ka fakareen, waxaana ka mid ahaa madaraso ciidan oo laga furo Pakistan, halkaas oo iyaga ay ku soo tababaran lahaayeen, dad kalena ay ku tababari lahaayeen, warqadaha bam ku saabsanna ay boostada ku diraan, in ay weeraraan xaafadaha shacabka iyagoo adeegsanaya kooxda cunsuriga ee UK, xarumo caan ah in ay weeraraan, iyo weerar u qaab ahaa u dhigma midkii Mumbai.”

Waxay maxkamadda intaa ku dartay, in “si dhab ah ay u sameyteen qorshe dheer” sida in Khan iyo kooxda kale “ay la soo tababartaan argagixisada ayn khibrad uga soo helaan”.

“In ay ku noqdaan UK iyagoo khibradaas argagixisada ah leh,” ayaa lagu qoray warqadda xukunka.

“Waxay sidoo kale dhiirageliyeen kuwa kale oo qorshe dhow oo weerar ah ka geysan lahaa UK, kuwaas oo isu arkay in ay jihaaddoonayaal dhab ah yihiin”.

Nin kale oo lala xiray Khan – Mohibur Rahman – ayaa lagu helay dembi ah qorsheynta qarax ka dib markii xabsiga laga sii daayay, dib ayaana loo xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here