“”Maamulka G/Banaadir Oo Heegan Geliyey Gaadiidka Gurmadka Deg Dega”

0
324

Dowlada hoose Xamar ayaa soo bandhigtay dhamaan gaadiidka kala duwan ee heeganka ugu jira maareynta magaalada iyo u diyaargarowga roobabka mahiigaanka ah la saadaaliyay in uu dhawaan di’i doonaan kaas oo la sheegay in uu wato dabeeylo laga cabsi qabo inuu saameen ku yeesho Caasimadda iyo gobolada dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer uu ugu kuur galayay xaalada Caasimadda ku maray qeyba badan oo kamid ah wadooyinka Muqdisho iyadoo ay kormeer kaasi ku wehlinayeen gaadiidka kala duwan ee loo diyaariyay arimaha la xariira maareynta musiibooyinka iyo bilicda Caasimadda.

Kormeerkaasi kadib waxa uu duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish booqday xarunta gaadiidka dowlada hoose Xamar booqashadaasi oo ay ku wehlinayeen guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir waxa uuna warbixana quseeya xaaladaha gurmad deg dega ah iyo u diyaar garowga roobabka ka dhageystay agaasimayaasha gaadiidka iyo dabdamiska.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa kamid ahaa masuuliyiinti goobta ka hadlay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu ka hadlay sida ay dowlada hoose Xamar diyaar ugu tahay in ay bulshada Gobolkan Banaadir ugu gurmato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here