Madaxweyne Biixi Oo Hadhsaday Iska Caabintii Mucaaradka Iyo Natiijada Ka Dhalatay Isku Shaandhayntii Madaxweynuhu Sameeyey

0
400
Maxaa Ka Dashay Isku-shaandhayntii Madaxweyne Muuse Sameeyey Maxaase Laga Filan Kara Xubnaha Cusub Ee La Magacaabay,?

Madaxweynaha Somaliland Oo Hore Looga Bartay Isku shaandhaymo Weyda Oo Aan Waxba Ka Bedelin Haykalka Xukuumad.Ayaa Todobaadkii Dhowaa Magacaabay Siyaasiyiin Miisaan Culus Kuleh Deeganada Ay Kasoo Jeedan,
Waxaanu Durba Madaxweyne Biixi Ka Raystay Iska Caabintii Kaga Imanaysay Dhanka Mucaaradka.Maalintii Shalay Waxaa Taageero Cudud Leh Madaxweyne Biixi U Muujiyey Beelaha Galbeedka BURCO.Kuwaas Oo Madaxweynaha Uga Mahadnaqay Xilka Culus Ee U Magacaabay Siyaasiga Caanka Ah Ee Siciid Sulub
Wasiirka Cusub Ee Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Ayaa laga Dhur Sugaya Saamaynta Uu Ku Kordhiyo Xukuumada Madaxweyne Biixi,Taas Oo Faro Madhan Ka Taagnayd Deegaanada Uu Kasoo Jeedo Murashaxa Xisbiga WADDANI,
Dhanka Kale Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Bedelay Siyaasadii Uu Ku Xulan Jiray Masuuliyiinta Kasoo Jeeda Deegaanada Bariga Gobolka SANAAG,Maadama Oo Uu Dhawr Jeer Deeganadaas U Magacaabay Siyaasiyiin Qurba Jooga Oo Aan Aqoon Fiican U Lahayn Dadka Iyo Deegaanka Waxaanu Wasiirka Cadaalada U Magacaabay Siyaasi Shaqooyin Kala Duwan Kasoo Qabtay Dawlada,
Wasiirka Cusub Ee Cadaalad Ayaa Durba Muujiyey Saamaynta Uu Ku Leeyahay Deegaanada Uu Kasoo Jeedo Gaar Ahaan Degmada Badhan Oo Wakhtiyadii U Danbeeyey Dhufays U Noqotay Maamulka Puntland,Isagoona Qaaday Talaabo Dadka Deegaankaasi Lagu Qancinaayo Tabashadooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here