Dowladda Aljeeriya Oo Doorashada Ka Hor Xirtay Laba Ra’iisul Wasaare Oo Hore

0
320

Maxkamad ku taal waddanka Aljeeriya ayaa waxa ay xabsi muddo dheer ah ku ridday laba ra’iisul wasaare oo hore xilli uu soconayo baaritaan ballaaban oo dhinaca musuq maasuqa.

Ahmed Ouyahia ayaa waxaa lagu xukumay 15 sanadood oo xarig ah halka Abdelmalek Sellal lagu xukumay 12 sanadood oo xarig ah.

Waxaa lagu eedeeyay inay ku takrifaleen awoodda, taas oo la xiriirta fadeexad lacago la lunsaday oo salka ku haysa sameynta gawaari.

Waxa ay aheyd markii ugu horraysay oo wasiirro hore la maxkamadeeyo tan iyo markii Aljeeriya ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska 1962.

Labada nin ayaa waxa ay xulafo la ahaayeen madaxweynihii mudada dheer dalkaasi maamulayay, Abdelaziz Bouteflika, kaas oo iscasilay bishii Abriil kaddib dibadbaxyo ballaaran oo maamulkiisa loogaga soo horjeestay.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay sii wadeen inay ku baaqaan in la sameeyo isbadello waa weyn, iyagoo ku eedeeyay hogaamiyayaasha xisbiga haya talada musuq maasuq baahsan iyo cadaadis ka hor doorashada madaxtinimada.

A crowd of protesters shouting and clapping

Ouyahia iyo Sellal ayaa waxa ay ka mid ahaayeen 19 eedaysane oo loo haystay eedo ah lacago la isdabamariyay, ku takrifal awood, iyo in awlawiyd gaar ah la siiyay warshad baabuurta sameysa.

Wasiir xil haya oo lagu magacaabo Abdesalem Bouchoureb ayaa isagoo maqan waxaa lagu xukumay 20 sanadood oo xarig ah. Warqad caalami ah oo lagu soo xiri lahaa ninkaasi ayaa la daabacay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inuu dibadda ku maqan yahay.

Qareennadii difaacayay ninkaasi ayaa waxa ay qaadaceen maxkamadaynta, iyagoo ku andacooday in howsha “la siyaasadeeyay”, AFP ayaa sidaas ku warrantay.

Ragga la xukumay, ayaa sikasta oo uu xaal noqdaba, waxa ay haystaan 10 maalmood oo ay racfaan kaga qaadan karaan xukunka, waxaa sidaasi sheegay Ahmed Rouaba oo ah weriyaha BBCda u faaqida wararka Waqooyiga Afrika.

Protesters holding up their hands outside the central post office

Fadeexadda ayaa waxa ay qabsatay warshad baabuurta sameysa oo daaha laga rogay 2014 markaas oo xiriir wadashaqeyn lala yeeshay kooxo ajaanib ah iyo shirkadaha waa weyn ee Aljeeriya, kuwaas oo badanaa ay lahaayeen ganacsato xiriir la leh dad ka ag dhawaa Mr Bouteflika, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidaasi ku warrantay.

Xukunka ayaa imanaya laba maalmood un ka hor doorashada madaxtinimada, taas oo noqonaysa middii ugu horraysay ee la qabto tan iyo markii Mr Boueflika lagu qasbay inuu xilka banneeyo.

Kooxaha u ololaynaya dimuqraadiyadda ayaa waxa ay doorashadan u arkaan inay tahay mid xulafada Mr Bouteflika ay ku doonayaan inay awoodda ku sii haystaan, waxa ayna dhigayeen dibadbaxyo ballaaran oo ay ku dalbanayaan in doorashada meesha loogaga saaraba.

A crowd of people chanting and holding up banners

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here