Muxuu Daaran Yahay Codsiga Muuse Biixi, Qorshaha Uu Ciro Nairobi Ku Soo Xidhay, Dooda Faysal Iyo Weftiga Beesha Caalamku..Faallo

0
400
Muxuu Daaran Yahay Codsiga Muuse Biixi, Qorshaha Uu Ciro Nairobi Ku Soo Xidhay, Dooda Faysal Iyo Weftiga Beesha Caalamku..Faallo-Hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi ayaa si kedis ah uga codsaday xisbiyada mucaaridka ah inuu kulan deg deg ah la qaato.

Muuse Biixi oo hore uga baxay is afgarad uu la gaadhay hogamiyeyaaasha xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani Iyo Ucid ayaa gabi ahaanba ka baxay qodobadii lagu heshiiyey, taas oo mucaaridka ku dhalisay kalsooni daro ay ka qabaan aaminaadii ay u hayeen Muuse Biixi.

Natiijada sawirka muuse biixi, faysal cali waraabe iyo cabdiraxmaan ciro

Sidoo kale Muuse Biixi oo ku guul daraystay inuu ku dhaqmo sharciyada dalka isla markaana waxba ka dhagaysan waayey daneeyayaasha doorashooyinka somaliland ee xisbiyada mucaaridka ah, guddidii dhex dhexaadinta ee ganacsatada ah iyo mudantii shacabka somaliland ayaa haatan u muuqda inuu dajiyey qorshe kale oo uu kaga baxsanayo cadaadis kaga imanaya beesha caalamka, iyada oo somaliland ay maalmahan soo socda ku soo wajahan yihiin wefti culus oo ka soo kicitimi doona magaalada Nairobi, waxaanu haatan kulan deg deg ah ugu baaqay xisbiyada mucaaridka ah kuwaas oo iyaguna ganafka ku dhuftay. 

Sida ay sheegayaan dadka siyaasada falanqeeyaa, baaqa ka soo baxay Muuse Biixi ee ku socda xisbiyada mucaaridka ah ayaa lagu tilmaamay inuu yahay qorshe uu kala hortagayo safiirada dhawaan soo gaadhi doona somaliland kuwaas oo uu ku wargelin doono marka ay kulmaan in wada hadal u socdo xisbiyada mucaaridka ah isla markaana uu heshiis la gaadhi doono balse kulankaas ka dib uu halkiisa ka sii wadan doono siyaasadihiisa guracan ee ka dhanka ah dimuqraadiyadii iyo doorashooyinka somaliland.

Xisbiyada mucaaridka ah ayaa dhankooda u muuqda inay fahmeen qorshaha dhagaraysan ee Muuse Biixi la maagan yahay kuwaas oo ganafka ku dhuftay inay hor fadhiistaan isla markaana ku doodaya in qabashada doorashadu ay tahay shayga kaliya ee ay Muuse Biixi ku horfadhiisan karaan sida u sheegay Faysla Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga Ucid.

Muuse Biixi ayaa la dhawraya talaabada kale ee uu qaadi doono maadaama ay xisbiyada mucaaridku ka hor yimaadeen qorshaha uu doonayey inuu kaga hoos galo cadaadiska ay ku hayaan wadamada beesha caalamka ee somaliland ka taageera doorashooyinka.

Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaai Ciro iyo Maxamed Biixi Yoonis oo ka tirsan sarakiisha xisbigaasi oo dhawaanNairobi kula kulmay safiirada beesha Caalamka isla markaana gaadhsiiyey dacwad ka dhan ah Muuse Biixi ayaa ka dambeeya cadaadiska la saaray hogaamiye Biixi.

Xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani Iyo Ucid ayaana u muuqda qaar ku adkaysanaya mawqifk ay ka istaageen Muuse Biixi iyo qorshaha dhagaraysan ee uu doonayo inuu kula galo sawir aanu xaqiiqadiisa u sheegi doonin weftiga ka socda beesha caalamka ee dhawaan soo gaadhi doona somaliland.

Weftiga ka socda beesha caalamka oo magaalada Nairobi kulan kula yeeshay gudoomiyaha xisbiga Waddani iyo Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah saraakiisha xisbigaasi ayaa la filayaa inay Muuse Biixi Cadaadis ku saaraan in caqabadaha uu hordhigay doorashooyinka uu xaliyo isla markaana uu joojiyo keli talisnimada uu ku dhaqmayo iyo jabinta sharciyada dalka u yaala.

Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa natiijada ay kala gaadhaan Muuse Biixi iyo wakiilada beesha caalamka oo dhawaan kulan adag ku yeelan doona magaalada Hargeysa, taas oo fure u noqon karta rajo wanaagsan oo laga qabi karo doorashooyinkii iyo dimuqraadiyadii somaliland ee Muuse Biixi aasay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here