Wararki u danbeeyay Abaalmarinta Nobel-ka ee Abiy Axmed oo khilaaf hareeyey

0
402

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta lagu wadaa inuu abaalmarinta Nobel Peace Prize uu ku gudoomo caasimadda Norway, Oslo balse waxa hareeyey muran badan kaddib markii uu sheegay inuusan ka qayb gali doonin shir jaraa’iid oo ahaa mid soo jireen ah marka uu guddoomayo abaalmarinta.

Tallaabadan ayaa waxaa cambaareeyey dad badan.

Guddiga Golaha abaalmarinta Nobel-ka iyo madaxa mac-hadka Nobel, Olav Njølstad, ayaa warbaahinta u sheegay in go’aanka Mr Abiy uu dhibaataynayo guddiga.

Mac-hadka Nobel iyo guddiga ayaa qabay rajo ah in Abiy Axmed uu oggolaan doono arrintaas.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaare Abiy, Billene Seyoum ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Mr Abiy uu ku mashquulsan yahay arrimo xasaasi ah oo ka taagan dalkiisa, kuwaasoo ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Mr Abiy ayaa abaalmarintawuxuu ku mutuestay dadaallada nabadda ee uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20-ka sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here