Arrimaha Dhuusamareeb Oo Laga Gaadhay Heshiis

0
359

Dowladda Federaalka iyo Ahlu-sunna ayaa gaaray heshiis ku saabsan qaabka loo qeybsanayo xubnaha golaha wakiilada ee Galmudug.

Bayaan ay soo saartay wasaarada arrimaha gudaha ee dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in wadahadalo dheer oo lala galay Ahlu-suna ka dib is afgarad laga gaaray tirada xildhibaanada la siinayo Ahlu-suna.

Ahlu-sunna ayaa golaha wakiilada ee Galmudug ka yeelan doona 20 xildhibaan.

Golaha wakiilada ee Galmudug ayaa ka kooban 89 xildhibaan.

Ahlu -suna ayaa waxay markii hore doonayeen in la siiyo 35 xildhibaan oo ka mid ah golaha wakiilada Galmudug.

Bayaanka dowladda fedaralka ayaa waxa lagu xusay in hoggaanka dhaqanka iyo shacabka Galmudug ay muujiyeen dulqaad badan.

Heshiiska Ahla Suna iyo dowladda fedaraalka ayaa imanaya ka dib muddo dheer oo uu khilaaf ka dhex taagnaa labada dhinac.

Khilaafka intiisa badan ayaa ku saabsanaa qoondada Ahlu Sunna ee baarlamaanka, iyo waliba xulista guddiga doorashada ee Galmudug, balse waxa ay hadda u egtahay in heshiis laga gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here