Askari ka Tirsan Illaaladda Guddoomiye Cirro 22 Habbeen Xabsi ku jira Maxkamad la’aan

0
369
18-kii bishii aynu soo dhaafnay ee November 2019-ka waxa Caasimadda Hargeisa lagu xidhay mid ka mid ah Ilaaladdii gaarka u ahayd guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.
Taliyaha guud ee Ciiddanka booliska Somaliland Sarreeye Guuto Mr. Daba-gale ayaa waxa uu Askariggaas ku eeddeeyay innuu rasaas ku furay qaar ka mida Ciiddanka Booliska oo wakhtigaas ku sugnaa Xarunta guud ee Xisbigaasi ee Casimadda Hargaysa, waxaannu taliyuhu ku hanjabay maalintaas innuu xidhi doonno, iyaddoo maalin kadib ay Ciiddanka Boolisku xabsiga u dhaadhiciyeen.
Image result for Guddoomiye Cirro

Ilo wareedyo kala duwan oo Warbaahinta  la soo xidhiidhay ayaa waxay noo sheegeen in Askarigaas uu wali xidhan yahay, isla markaanna caddaadis iyo jidh dil badan ay u gaysteen Ciiddanka booliska Somaliland, waxaannay wararku sheegayaan inaan Askarigaas wax Maxkamad ah la soo taagin tan iyo markii la xidhay.
Haddaba, su’aasha iswaydiinta mudani waxay tahay maxay uga hadli waayeen Masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee askarigani uu ilaaladda u ahaa? muxuu talaabo u qaaddi waayay guddoomiyaha Xisbigaas uu ilaalinnaayay askarigan maskiinka ahi ee Cabdiraxmaan Cirro? Jawaabahaas waxaynu u daynaynaa Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI…
Si kastaba ha ahaatee waxa maalintii shalay magaalada Hargeisa looga dabaal-degay maalinta Xuquuqal insaanka oo adduunka oo dhan laga xusay, inkastoo Somaliland aad loogu dhaliiilay hannaanka ay u waajahdo Xuquuqda iyo Xoriyatul qawlka, waxaanna jira dad badan oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi u xidhay aragtiyahoodda oo ay Cabbireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here