“Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Ma Rumaysay Rajadii Sahacabka?”

0
415
“Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Ma Rumaysay Rajadii Sahacabka” .
.
Wasaarada Warfaafinta Somaliland Ayaa Sii Deysay Barnaamij Lagu Sheegay Waxqabadka Xukuumada Ee 2019-2020ka,Balse Barnaamijkan Badi Bulshadu Umay Bogin,Waxqabadka La Tebaayo Ee Barmaajikan Lagu Xusin Waxaa Kamida
 
1-Dhismayaasha Madaarada Dalka OoXukuumadu Sanadkan Waxba Ku Kordhin
 
2-Koboca Dhaqaalaha Dalka Oo Hoos U Dhacay Waxaana Marag Ka Ah,Dhaqaalaha Xukuumadu Ka Jartay Kabkii Lasiin Jiray Xisbiyada Qaranka
 
3-Dhamaystirka Heshiisyadii Xukuumadi Hore La Gashay Maamulka KHAATUMO
 
4-Dejinta Siyaasad xeel dheer oo dhanka Arrimaha Dibadda ah.
 
5-Sahaminta Shiidaalka,Waxay Ahayd Iskuday Bulshada Ku Abuuray Hami Iyo Hididiilo Balse Waxaa Muuqata Inay Xukuumaadu Ka Gaabisay,
 
Gobolada Barriga
 
Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxaa Laga Filaayey Inay Dalka,Gobol Degmo Iyo Tuulaba Ka Hirgeliso Horumar Taaba Gala,Waxqabadka Ay Xukuumadu Sheegtay Inay Sanadkan Dalka Ka Fulisay Gebi Ahaanba Waxaa Ka Aradan Gobolada Bariga,
 
1-Gobolka SOOL Waxaa Laga Hirgeliyey 13 Qol Oo Lagu Kordhiyey Dugsiyada Waxbarashada,Waxaa Xusid Mudan Inay Hirgelinteeda Lahaayeen Haayado Sida Lagu Sheegay Barnaamij Ay Dawladu Maal Gelisay Oo Lagu Soo Bandhigay Waxqabadka Xukuumada,
2-Togdheer Xukuumadu Waxay Ka Fulisay Roog Lagu Goglay Garoonka Kubada Cagta,
_Waxayna Xukuumadan Ka Dhaxleen Qiimihii Biyaha Oo La Kordhiyey,Iyada Oo Aan Si Cad Loo Ogayn Dakhliga Wakaalada Biyaha Burco
3,Gobolada SARAAR,SANAAG Iyo DAAD-MADHEEDH Ma Jirto Mashaariic Laga Fuliyey Sida Ku Cad Barnaamijkan Lagu Soo Bandhigaayo Waxqabadka Dawlada ,
Madaxweyne Muuse Biixi ilaa hadda muu rumayn filashadii umaddu ka sugaysay,Waxaana Lays Weydiinaya Sababta wiiqaday rajadii ummadu ka naawilaysay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
Si kastaba ha ahaatee hal xidhaale adag ayaa Sugaya sidii uu Madaxweyne Muuse Biixi ummada ugu soo bandhigi lahaa Waxqabadka uu fuliyey,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here