Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Rajada uu ka Qabo in Boris Johnson uu Gaadhsiiyo Xidhiidhka Labada Dal

0
323

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyey Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Md. Boris Johnson oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii Khamiistii ka qabsoontay dalkaasi.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay  qoraal uu bartiisa Twitterka ku baahiyey madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu hambalyeeyey Ra’iisul-wasaare Boris Johnson.Waxaanu qoraalka Madaxweynuhu u qornaa sidan:-

“Anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumadda  Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan ku bogaadinayaa Ra’iisul-wasaare Boris Johnson sida aqlabiyada ah ee uu u guulaystay.

Somaliland iyo Britain waxa ka dhexeeya oo ay lahaayeen xidhiidh taariikhi ah iyo masaalix ay wadaagaan labada dal.

Waxaan rajaynayaa in guushaada iyo hoggaaminytaadu  ay kor u sii qaadi doonto xidhiidhka labada dal,”ayaa lagu yidhi Dhambaalka Madaxweynaha JSL u diray Ra’iisul-wasaaraha Ingiriiska.

Solnanews.com

Cumar Maxamed Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here