Sawirrada Dumarkii Ka Soo Muuqday Gidaarrada Baqdaad

0
385

Tan iyo bishii Oktoobar, waxaa guud ahaan dalkaasi Ciraaq ka dhacayay dibadbaxyo xooggan oo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi. Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa ka koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshada dalkaasi. Dhaqan ahaan dalkaasi Ciraaq, ragga ayaa wax kastaa hormuud u noqon jiray balse muddadii ay dibadbaxydani socdeen waxaa la arkayay dumar hormuud ka ah dibadbaxyada.

 

Mural in Baghdad

 

Si dumarkaasi dibadbaxyada hormuudka ka ahaa loo maamuuso ayaa waxaa sawirradooda lagu xarnay gidaarrada guud ahaan magaalada Baqdaad.

Mural in Baghdad

Mural in Baghdad

Fagaaraha Taxriir ee ku yaal bartamaha magaalada Baqdaad ee xarunta dalkaasi oo noqotay xarunta dibadbaxyada ayaa sidoo kale noqotay meel dadku ay farshaxankooga ku soo bandhigaan, iyagoo sawirrada dadka hormuudka ka ahaa dibadbaxyadani lagu xardhay meel kastaa oo ka mid ah fagaarahaasi.

Mural in Baghdad

Sawirradaasi muujinaya dhiiranaanta iyo kartida haweenka reer Ciraaq ee hormuudka ka ahaa dibadbaxyadaasi ka dhanka ah dowladda ayaa noqday astaanta dhabta ah ee dibadbaxyadaasi

Mural in Baghdad

Sawirradaasi oo inta badan ay gacanta ku sameeyaan dumar kale ayaa ka turjumaya doorka muhiimka ah ee dumarka dalkaasi ay ku leeyihiin sidii mustaqbal wanaagsan loogu heli lahaa dalkaasi.

Mural in Baghdad

Mural in BaghdadLahaanshaha sawirkaAFP

Dibadbaxyadaasi iyo sawirradaasi ayaa ku dhiigireliyay dumarka in ay door muhiim ah ku yeeshaan aayaha dalkaasi isla markaana ay baddalaan aragtidii ahayd in dumarku asyan fursad uga bannaaneyn arrimaha mustaqbalka dalkaasi.

Mural in BaghdadLahaanshaha sawirkaREUTERS

Mural in BaghdadLahaanshaha sawirkaAFP

Dumarkaasi ka qayb qaadanaya dibadabxyada ayaa dhawr jeer waxaa arrimo amaan awgood u diiday in ay arrimahaasi ku lug yeeshaan waalidiintooda iyo ragga ay u dhexeen, waayo ilaa billowgii dibadbaxyadaasi, ciidamada ammaanka ayaa dilay in kabadan 400 qof balse dumarkani waxay ku sii dhiiradeen in ay ka qeybqaataan dibadbaxyadaasi.

Mural in BaghdadLahaanshaha sawirkaAFP

Dumarka oo waayadii hore aan wax qadarin ah aan ka heli jirin garabyada siyaasadda dalkaasi, ayaa haatan waxaa dhiirigeliyay jiritaan la’aanta qorshe siyaasadeed oo hagaya dibadbaxyada dalkaasi Ciraaq.

Mural in BaghdadLahaanshaha sawirkaAFP

Bulshada dalkaasi ayaa rag iyo dumarba qeyb ka ahaa dibadbaxyadaasi looga soo horjeeday dowladda balse xaqiiqada ah in ay haatan wada shaqeynayaan oo ay ka wada shaqeynayaan aayaha dalkaasi ayaa ah arrin muhiimaddeeda leh.

Mural in Baghdad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here