Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo La Siiyay Fasax Laba Bilood Ah Xili Muran Siyaasadeed Uu Arimaha Doorashooyinka Ka Taagan Yahay

0
362
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo La Siiyay Fasax Laba Bilood Ah Xili Muran Siyaasadeed Uu Arimaha Doorashooyinka Ka Taagan YahayGuddomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa fasax laba bilood ah galiyay xildhibaanada golaha wakiilada xili muran siyaasadeed uu ka dhex taagan yahay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ah.

Baashe Maxamed Faarax guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa fasaxan ugu hanbalyeeyay xildhibaanada golaha wakiilada oo dhawaan uun golaha guurtidu uu u kordhiyay muddo xileed laba sanadood ah kaas oo wali xisbiyada mucaaradka ah aan ka daadagin.

Guddoomiyaha oo fasaxan ku dhawaaqayay waxa uu yidhi”Sideed wiig oo ah laba bilooda waa fasax laga bilaabo baritoole( maanta) fadhiguna waa uu inoo xidhan yahay ee fasax wanaagsan.”

Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa kuraasta ku fadhiyay tan iyo 2005-tii waxaana mudada ay xilka hayeen ay noqonaysaa inay teeramkoodii mooyaane laba teeram oo kale iyo wax la jira ay ku heleen mudo kordhin ay u sameeyeen golaha guuritida Somaliland.

Source:Geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here