”Si Uu Xabsi U Galo Ayuu Qof Gaadhi Jiidhsiiyay”

0
364

Nin hoy la’aan ahaa oo seexan jiray gaarigiisa agtiisa ayaa waxaa xabsi daa’in ku xukuntay maxkamad Jarmal ah sababo la xiriira inuu si ku talagal ah uu u jiiray nin baaslkiil wato isagoo doonayey in la xiro oo xabsiga la dhigo.

Ninkii baaskiilka waday oo aan garanaynin cidda soo weerartay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus isagoo marayey halka loogu talo galay baaskiilada ee gobolka waqooyi ee Lower Saxony.

Garsoore ku sugan Oldenburg ayaa sheegay in 62 jirkan aan hoyga heysan uu daryeel ka ka raad sanayay macadka penal.

Maxkamadda ayaa dhageysatay qaabkii uu ninkan ku waayey shaqadiisa isagoo ahaa seynisyahan dhanka computerada ah, lacagihii u keyd sanaana uu ku dhameyey safar uu qaarada yurub kusoo maray.

Xilliga uu weerarka dhacayey ninkan guri ma uusan heysan, laysanka gaarigiisna muddo dheer ka hor ayuu ka dhacay.

Waxaa uu gaarigiisa si ula kac u jiirsiiyay ninka baaskiilka watay oo 48 jir ahaa. Xaakimka ayaa ficilkan ku tilmaamay inuu ahaa mid aan wanagasanayn, uuna si khaldan daryeel ku raadiyay.

Ninkii uu shilka ku dhacay ayaa wali la daala dhacaya dhibaatadii shilka ka soo gaartay, maskaxiyan iyo jir ahaanba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here