Madaxweyne Biixi Oo Xalay Kormeer Kedis Ah ku Tegay Cusbitaalka guud ee Hargeysa

0
470

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi  Cabdi, ayaa xalay Kormeer kedis ah ku tegay Cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaana uu  Madaxweynuhu kormeerkiisan ku  booqday Bukaanada jiifa Cusbitaalka oo uu ku booqday waadhadhka.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay, waxana kormeerka ku wehelinayey Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Cabdikariim Axmed Xinif, Ergeyga gaarka ah ee wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse.

Madaxweynaha ayaa qof qof isu dul-taagay bukaanada isagoo halkaasi ku xaal waraystay islamarkaana u sheegay in ujeeddadiisu tahay inuu ogaado sida loogu shaqaynayo bukaan jiifka, waxaanu uu ugu duceeyey dhammaan  dadka xanuunsanaya oo uu Ilaahay uga baryey madaxweynuhu inuu xannuunka ka dul qaado caafimaad taam ahna ugu beddelo.

Dhanka kale waxa uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegay  qeybta ay wax ku bartaan ardayda Jaamacada Hargeysa ee barata caafimaadka, waxaanu la kulmay macalimiin ajaanib ah kuwaasi oo kasoo jeeda waddanka Turkiga islamarkaana tababar dhanka qaliinka ah siiya ardayda Jaamacada Hargeysa ka barata caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa Dhakhaatiirtaasi uga mahadceliyey dedaalkooda iyo tacabka ay ardayda gelinayaan, sidoo kalena waxa uu ardayda ku dar-daaray inay wax badan ka faa’idaystaan khabiirada caafimaad ee wax u dhigaya, wakhtigoodana gelinaya dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here