Dadkii badbaaday oo xusuusanaya duufaantii tsunami ee Badda Hindiya

0
377

Wax yar kahor abbaare 08:00 subaxnimo, 26-kii December 2004, dhulgariir xaddigiisu ahaa 9.1 ayaa ka soo kacay badda hoosteeda, dhanka waqooyi ee dalka Indonesia.

Saacadihii xigay, duufaan xoog badan oo tsunami ah ayaa ku dhufatay Badda Hindiya, waxaana ku dhintay ku dhowaad 230,000 oo qof, oo badankood ku sugnaa Indonesia.

Iyadoo ay maanta tahay sanad-guuradii 15-aad ee ka soo wareegatay musiibadaas, ayaa weriyaha BBC-da ee Laanta Thai, Chaiyot Yongcharoenchai wuxuu booqday koofurta Thailand, halkaasoo ay saameyn ba`an ku yeelatay duufaanta tsunami.

Kuwani waa qaar ka mid ah sheekooyinka dadka badbaaday iyo wixii caawinaad ahaa ee ay kaddib sameeyeen. Waxaa laga yaabaa inaad ka murugooto dhacdooyinka qaar ee ay ka sheekeynayaan.

Short presentational grey line

Wittaya Tantawanich – shaqaale gargaarka degdegga ah, xeebta Patong

Subaxaas xeebta Patong waxay ahayd mid aad u deggan. Waxaan joogay meel u dhow Isbitaalka Patong anigoo saarnaa gaari samatabixin ah. Kaddib gaajo ayaa i qabatay, waxaana soo aaday xeebta si aan u helo wax aan cuno.

Dr Weerawit Sarideepan – oo markaas dhaqtar ka ahaa Isbitaalka Vachira Phuket

Waxay ahayd maalintii xigtay xafladdii shaqaalaha isbitaalka – fasax ayaan ahaa waana iska nasanayay. Abbaarihii 08:00 subaxnimo, waxaan maqlay dhawaqa daaqadaha alwaaxa ka sameysan ee qolkeyga jiifka oo ruxmaya. Xaaskeyga ayaan u sheegay in laga yaabo inuu yahay gaari dibadda yaalla. Kaddibna hurdadii ayaan ku laabtay.

Samran Chanyang – oo qabanqaabiye xafladeed ka ah macbadka Yan Yao

Aniga ayaa duceynayay subaxaas 26 December 2004, oo maalin feesto u ahayd dadka haysta diinta Buddhism. Makarafoon ayaan ku duceynayay, si qof walba uu ii maqlo. Mar qura, korontadii ayaa tagtay waxaana dareennay dhulgariir. Makarafoon la`aan ayaana ducadii sii watay.

Wittaya Tantawanich

Waxaan fadhiyay meel anigoo quraaxanaya kuna raaxeysanaya jawiga xeebta. Waxaan kaddib dareemay dhulgariir abbaarihii 08:00. Qofna ma uusan walwalin. Waan iska sii fadhiyay anigoo sugaya wicitaan degdeg ah.

Captain Sathaporn Sawangpuk 

Sathaporn Sawangpuk – kabtankii markabka Mahidol

Waxaan ka soo laabannay baaritaan bil socday oo aan ka sameyneynay Badda Hindiya. Waxaan ku hakannay jasiiradda Koh Racha Yai island oo ku taalla Phuket halkaas oo aan casharro ku siineynay ardaydeenna. Badda ayaa xoogaa degganeyd, cirku caad ma lahayn. Waxaan kooxdeyda ku iri: ‘Maxay tahay maalin ku habboon in badda la joogo.’

Primpraow Jitpentom – kalkaaliso saarneyd markabka Mahidol

Waxaan subaxaas Axadda saaxiibbadeyda ka soo qaaday Bangkok si aan dalxiis u aadno. Dhowr jeer ayaan sidan sameeyay balse seygeyga weligiis ma arag dunida badda hoosteeda. Waxaan u sheegay inay mudneyd in la aado.

Kabtan Sathaporn Sawangpuk

Markii aan quraacannay, waxaan dhammaanteen aadnay qarka markabka si aan u daawanno ardayda oo la tababaranaya macallimiinta. Mar qura, waxaan dareemay markabka oo bidix iyo midig u liic liicaya. Ma aynaan ogeyn waxa dhacay, balse dareenkeyga wuxuu ii sheegay inaan markabka kiciyo oo aan u kaxeeyo bartamaha badda. f

Wittaya Tantawanich 

Wittaya Tantawanich – oo ku sugnaa xeebta Patong

Abbaarihii 10:00 barqanimo, waxaan maqlayay dhawaqa dadka cuntada iibiya oo isu tilmaamaya xeebta. Waxay dhammaantood dhahayeen ‘Aan soo dabanno kalluun.’ Biyaha ayaa si qoto dheer hoos ugu dhacay, tegayna bartamaha badda, kalluun badan ayaana daadsanaa meel walba. Waxaan la yaabay waxa dhacay balse durba waxaan gartay inay wax khaldan yihiin. Markii ay biyihii soo laabteen, mid ka mid ah dadkii cuntada iibinayay ayaa qof walba oo halkaas joogay u sheegay inuu ka fogaado xeebta.

Somchai and Primpraow Jitpentom 

Somchai Jitpentom – dhaqtarka iyo xaaskiisa

Waxaan la xiriiray saaxiibkey oo ciidanka badda ka tirsanaa wuxuuna ii sheegay inay tahay tsunami. Wuxuu inoo sheegay inaan soo raacno markab weyn. Waxaan arkay markabka Mahidol waan istaajinnay inuu na caawiyo ayaana ka codsannay.

Kabtan Sathaporn Sawangpuk

Kaddib biyihii ayaa hoos aaday, kahor inta aysan duufaantii labaad ku dhufan xeebta mar kale. Markan waxay guryaha iyo maqaayadaha ku dartay badda.

Somchai Jitpentom

Markii aan markabka galnay, waxaan arkay guryo iyo maqaayado ku yaallay Koh Racha Yai oo ku darsamay badda. Markaas ayaan gartay in musiibo weyn ay dhacday. Sidaas daraaddeed waxaanu isku raacnay inaan caawinno dadka kale ee jasiiradda ka dhowaa maaddaama ay nala socdeen labo dhaqtar iyo labo kalkaaliye.

Samran Chanyang

Samran Chanyang – oo qabanqaabiye xafladeed ka ah macbadka Yan Yao

Xafladdii sidii caadiga ahayd ayay u dhammaatay. Kaddib guriga ayaan soo aaday, wuxuu ku yaalla dhabarka dambe ee macbadka.

Waxaan durba arkay gawaari waddada dhinaceeda xawaare sare ku maraya. Kaddib dadkii xaafadda ayaa ka sheekeysanayay sida xaafadihii ku teedsanaa xeebta ay u qaadday duufaanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here