Wasiirka Ganacsiga DDS Oo Somaliland Ku Boggaadiyay Horumarka Ka Tisqaaday

0
422

Wasiirka Ganacsiga DDS Oo Somaliland Ku Boggaadiyay Horumarka Ka Tisqaaday

Wasiirka xafiiska ganacsiga iyo Wershadaha dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa si weyn u bogaaddiyay Horumarka baaxadda leh ee ka tisqaaday dalka Somaliland.
Waxaannu sheegay in Somaliland uu ka hir-geliyay Horumar dhinaca Ganacsiga iyo Warshaddaha oo aad u wanaagsan, taasoo tusaale fiican u ah ganacsatadda Somaliland halka ay taagan yihiin iyo halka ay hiigsanayaan. Wasiirka xafiiska ganacsiga iyo warshadaha DDS Bashiir Shaafi, oo hadal ka jeediyay carwadda wax-soo-saarka wershadaha Somaliland oo magaalada Hargaysa uu kaga qayb galay.
Isagoona ka mid ahaa wefti balaadhan oo uu isagu oo ka socday dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, ayna ka mid ahaayeen wasiirka xafiiska dhalinyaradda iyo ciyaaraha DDS Xasan Faarax, masuuliyiinta daladda ganacsatada DDS iyo xubno kale.
Waxaanu yidhi, “Aad iyo aad ayay ugu mahadsan yihiin masuuliyiintii iyo dhammaan wershaddaha iyo agabka ay soo bandhigeen. Waana mid tusaale fiican u ah ganacsatadda Somaliland, taasoo tusaysa halkay taagan yihiin iyo halka ay hiigsanayaan.
Anagu (DDS) waxaanu nahay al-baabkii Itoobiya laga gelayay. Marka ganacsatadda Somaliland waxaan leeyahay anaga ayaa al-baabkii idiin ah. Maanta waxaanu dawladda faderaalka Itoobiya ku leenahay mid ka awood badan tii shalay.
Taasina waxay dawladda Somaliland u tahay sharaf iyo cisi, wada shaqayn fiican ayaanu yeelanaynaa. Laydhka (korontadda) Itoobiya waxa uu jooga Tog-Wajaale. Markaa waxaa habboon in ay wershaddaha Somaliland Korontadda Itoobiya isticmaalaan”.
Geesta kale wasiirka xafiiska ganacsiga iyo warshadaha DDS Bashiir Shaafi, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo is-kaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaana dhinaca DDS iyo Somaliland.
Waxaanu yidhi,”Xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya labada wadan, waa mid aad iyo aad u qoto dheer. Ma aha mid maanta bilaabmay. Sharaf ayay noo tahay maanta in halkan nalagu casuumo, kana soo qayb galno carwadda wax-soo-saarka wershadaha Somaliland.
Somaliland dhab ahaantii wixii ay soo saartay, waxay u baahan tahay in saddex ay u qaybiso. Waa mida koobaade, doorka koowaad waxaa iska leh dalka iyo dadka Somaliland oo bulshadda dhexdeeda wax laga iibiyo lana yareeyo wixii dibadda laga keenayo”.
Waxaanu intaas raaciyay, “Doorka labaad-na waxaa iska leh dalka Itoobiya o ah meeshii aad wax u dhoofin laheydeen, waayo qalabkii aad sameyneysaan waxaa loo baahan yahay meeshi la geyn lahaa, dad baad u baahan tihiin,
Dal aad wax u dhoofisaan oo aad walaalo tihiin ayaad u baahan tihiin, khaasatan marka Itoobiya la sii kala qaad-qaado, labada degaan ee Soomaalida iyo Oromadda, Somaliland waxaa ka dhaxeeya xidhiidh ganacsi, ehelnimo, walaalnimo, cida koobaad ee xidhiidh ganacsi la leh Somaliland waa DDS.
Waxaanu diyaar u nahay in aanu wanaajino wax kasta oo Somaliland naga dhaxeeya oo ugu horeeyo ganacsigu”ayuu yidhi Bashiir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here