Qarax Sababay Dhimaho Iyo Dhaawac Oo Goordhawayd ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0
367
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee saakay lagu qaaday Barkootarool oo ay ciidamada waaxda canshuuraha ku lahaayeen Isgoyska Ex Kootarool Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qarxan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo baaxad leh inkastoo tiro rasmi ah la ogeyn, haddana goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waqtigaa aheyd mid aad u mashquul ah oo ay ku sugnaayeen gaadiidka dadweynaha oo qaarkood goobta la weerarray u tagay in ay ka goostaan warqado sharci ah oo ay jidadka ku maraan.

 

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa ku howlan daabulida dhaawacyadda waxaana Qaraxa uu ahaa mid xooggan oo xataa ay dhibaato soo gaartay dad Shacab ah oo ku sugnaa guryo ku dhow Isgoyska.

Dhibaatada ugu badan ayaa la sheegay in ay soo gaartay gaadiidka Mooto Bajaajka oo subax walba halkaa u tagay in ay ka goostaan warqadaha sharciga ah ee waddo marista, sidoo kale waxaa uu dab weyn qabsaday Kaalin Shidaal oo goobta ka agdhaw.

Khasaaraha kuma eka goobta uu qaraxu ka dhacay oo kaliya ee xitaa waxaa uu burbur soo gaaray guryaha dadka rayidka ah ee ka agdhaw halka goobta la weeraray.

Image may contain: one or more people and outdoorImage may contain: one or more people and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here