7 Qof Oo Ku Dhimatay Iska Horimaad Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
373
7 Qof Oo Ku Dhimatay Iska Horimaad Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dagaal galabta ka dhacay Degmada Hodan

ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, kaasoo dhimasho iyo dhaawacba sababay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidan ka wada tirsan Militariga Somaliya, balse qaab beeleed u abaabulan, iyadoona uu dagaalku ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka.

Dagaalkan ayaa daba socdo iska horimaad koobnaa oo shalay labada dhinac halkaasi ku dhex maray. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu salka ku hayo lahaanshiyaha dhul ku yaala Degmada Hodan.

Waxaa la xaqiijiyay in toddobo qof ay ku dhimatay dagaalkii maanta. Shan askari iyo laba rayid ah. Rayidka dhintay ayaa kala ahaa nin gaari gacan ku xamaalin jiray iyo canug yar.

Wararkan oo aanu ka oo xiganayUniversaltvayaa waxa uuintaa ku darayaain markii dambe ay ciidamadaan soo kala dhexgaleen ciidan boolis ah, oo loo diray inay kala dhexgalaan.

Dagaalkan ayaa baqdin ku abuuray dadka deegaanka, kuwaa oo qaarkood isaga cararay guryahooda intii aan la kala dhex gelin, inkastoo ay markii dambe bilaabeen inay ku soo guryo noqdaan.

Maalmihii ugu dambeysay ayaa waxaa Degmada Hodan ka taagneyd xiisad u dhaxeysa labada dhinac, oo iska horimaadkii shalay iyo kii maantaba ay ku dhinteen toban qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here