Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Oo La Cadeeyay Inuu Ka Dambeeyay Dalka Imaaradka Carabtu & Xoggo Sir Ah Soo Baxay.

0
382

Wargaysyada dalka Turkiga kasoo baxa ayaa daabacay in xogo ay heleen ay
muujinayaan in qaraxii dadka badan dhibaatadu kasoo gaartay ee 28 bishaan ka dhacay ex kontorool Afgooye ay ka dambeyso dawlada Imaaraatka Carabta oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda hawlaha ay dawlada Turkigu ka
wadaan Soomaaliya iyo dalal kale.

 

 

Wargeyska YeniSafak ayaa sheegay in xog uu helay ay sheegayso in dhaxal sugaha dalka Imaaraatka Max’ed
Bin Sayid Al-Nahyan uu lahaa amarka qaraxii Sabtigii Muqdishoka dhacay ee in ka badan 100 ruux ku nafwaysay waxaana wargeysku sheegay in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa shaqaale Turki ah oo wado laami ah dhisayay.

 

Wargeysku waxaa uu sheegay in qaraxaas lagu soo beegay isla maalintii dawlada Turkiga ay isku diyaarinaysay
taageero ciidan oo la siiyo dawlada caalamku aqoonsanyahay ee Libya.
Xogtaan waxay sheegayaan in Amiir Max’ed Bin Sayid Al-Nahyan uu baxshay amarka qaraxii xooga weynaa kaasoo willi aad loo dareemayo saameynta uu reebay, Wargeyska waxaa uu sheegayaa in cadaymaha uu hayo ay
ka mid yihiin baaritaano la sameeyay iyo xiriiro kaleba lagu ogaaday in qaban qaabada qaraxaas ay dawlada Imaaraatku lahay si gaar ah dhaxal sugaha
Ujeedka qaraxaas waxaa lagu sheegay in la qalqal galiyo hawlaha taageero ee dawlada Turkigu ka wado dalal way ka mid yihiin Soomaaliya iyo Libya, Dhawr qarax oo ka dhacay dalalka Soomaaliya, Libya, Ciraaq iyo Syria
ayaa sidaan oo kale horey loo ogaaday in dawlada Imaaraatku ka dambeysay.
Warbixinta lagu daabacay wargeyska aanu xiganayno ee YeniSafak ee Turkiga kasoo baxa waxaa lagu sheegay in dawlado ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraatk iyo Masar ay xoog badan galinayaan sidii ay joogsan lahaayeen cawimaada Turkiga ee Soomaaliya ama xataa ugu yaraan uu go’o xiriirka Soomaaliya iyo Turkig

 

Dawladaha Khaliijka qaarkood ayaa taageera sargaalka dagaalka kula jira dawlada la aqoonsanyahay ee Libya ee Khaliifa Xaftar halka dawlada Turkiga taageerayso dawlada caalamku aqoonsanyahay.

Turkigu waxaa uu aaminsanyahay in dawladaha Sacuudiga, Imaaraatka iyo Masar ay dadaal badan ku bixinayaan inay kala jaraan Soomaaliya iyo Turkiga ayagoo aragagixiso adeegsanayaa sidoo kalena ay doonayaan inay sidoo kale jaraan xiriirka Turkiga kala dhaxeeya dalalka Sudan iyo Libya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here