Kornayl Caarre Oo Dalka ka Baxaya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

0
434

Kornayl Siciid Jaamac Caarre oo labaddii sanno ee u danbeeyay ahaa aasaasaha Jabhadda Dulmi Diid oo ahayd jabhad kasoo horjeeda xukumadda madaxweyne biixi ayaa la filayaa inuu dalka ka baxo.

Kornayl Siciid Jaamac Caarre ayaa la sheegay in loo sameeyay Baassaboorka Soomaaliya, isla markaanna ay Xukuumadda Muuse Biixi ka shaqaynayso siddii uu dalka uga bixi lahaa Kornaylkaasi oo hadda in muddo ah
ka soo horjeedday dawlada xisbiga talada haysa ee xisbiga Kulmiye.

 

Inkastoo aannu jirin War rasmiya oo labadda dhinac ka soo baxay hadana Xukuumadda Muuse Biixi iyo Kornayl Caarre ayaa wararka ku saabsan ee laga helayo degmadda Ceerigaabo, waxay sheegayaan in guddidii
dhexdhexaadinaysay ay ka shaqeeyeen siddii uu Kornaylka hogaaminaya jabhada Dulmidiid dalka uga bixi lahaa, waxaanna la gaadh-siiyay Baasaboorka Soomaaliya oo loo sameeyay.

Waxa kale, oo wararku sheegayaan in Ciiddammadii uu hoggaaminaayay Kornayl Siciid Jaamac Caarre in qaarkood la qarameeyay oo dib loogu celiyay Ciidamadii somaliland ee ay ka tirsanaayeen , isla markaanna inta hadhsan la wada qaramayn doonno sida qorshuhu yahay.

 

Si kastaba ha ahaatee hogaamiye Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inaanu Cafiyi karrin Kornaylkaas oo Sharciga dalka u yaallaa aannu u fasaxayn tallaabaddaas waa sida uu hadalka u dhigaye, balse ilaa hada bulshada looma soo bandhigin waxyaabaha isbadalay ee sababaya in kornayl Caarre dalka laga saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here