DFS Oo faragelisey Mooshin ka dhan ahaa Madaxweyne Waare”

0
419

In ka badan 40 ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa horey u gudbiyey mooshin ka dhan ahaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxana oo baxaya warar sheegaya in ay dowladda Soomaaliya faragelisay si aan baarlamaanka loo horgeyn.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Guure oo kamid ah Xildhibaannada horkacaya mooshinka ayaa sheegay inay soo gaartay in dowladda soo faragelisey mooshinka xilka qaadista ah oo ay ka gudbiyeen Madaxweyne Waare.

Sababaha ayuu Xildhibaanka ku sheegay ay dowladda u soo faragelisay mooshinka inay tahay culeyso badan oo dalka ka jira,sida qarixii ka dhacay Muqdisho oo ay dadka badan ku dhinteen iyo dowladda oo ku howlan dhismaha Galmudug.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay inay soo dhaweynayaan inay mooshinkaas dowladda Federaalka soo farageliso,hayeeshee aysan aqbaleyn in lagu dhaqmo wax kasoo horjeeda Dastuurka dalka.

Si kastaba warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayan in inta badan Xildhibaanadii mooshinka gudbiyey oo badankood ahaa Wasiiro ay mooshinkaas ka baxeen,isola markaana Baarlamaanka aan la horgeyn doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here