Mursal Faladagan: Maxay Tahay Sababta Uu Fannaan U Noqday?

0
438

Mursal Faladagan, waa fannaan mar dhow ku soo biiray fanka, balse si wayn caan u noqday oo weliba ka caansan fanaaniin isaga kaga horeysay heesaha. Baraha uu internet-ka ku leeyahay sida Facebook iyo YouTube waxaa ku xiray kumannaan qof.

Faladagan

 

Marka aad magaciisa maqasho, heesta ugu horeysa ee maskaxdaada ku soo dheceysa waa tee? Jawaabta ha inoo dambeyso.

Faladaggan wuxuu yiri: “Waxaan ahay fannaan masuuliyad iska saaray in fanka Soomaaliyeed uu wax ku soo biiriyo”.

Waa mid ka mid ah sababaha ay taageerayaashiisa ugu bixiyeen naaneysta ah “fan nooleeye” sida ay ku qoreen Facebook-giisa marka ay aragtidooda ka dhiibanayaan heesihiisa.

Wayna jiraan kuwa badan oo dhaliila sida uu heesaha u qaado, ama heesta miraheedaba. Laakiin Mursal wuxuu leeyahay “labada dhinacba – taageero ama mucaarad – waan soo dhoweynayaan”.

Mursal Faladagan waxaa gurigiisa ugu yaallo istuudiyow uu heesaha ku duubo, muusikadana ku saaro. Isaga ayaana alifo, laxameeyo, ka dibna qaado heesihiisa.

Wuxuu sheegay in hadda uu baranayo muusiga sida loo garaaco, ka dibna uu wax kasta isaga sameysan doono.

Haddaan u soo noqono heesta weli maskaxdaada ka guuxeysa; Mursal wuxuu kuu sheegayaa in labadan mid ka mid ah ay tahay. “Mursal Macaanow ama Kac kac, Jaceyl u kac”.

“Mursal Macaanow”

“Soomaalida qaar waxay ku maahmaahaan rag is faaniyay waa ri’ is nuugtay”, ayuu yiri Mursal faladagan.

Hadalka wuu sii watay wuxuuna sheegay: “Soomaali kale waxay dheheen ‘amaani afkaaga kaagama horeyso”, yacnii adiga is amaan oo ha sugin qof kale in uu ku amaano.

Heesta “Macaanow Mursal macaane” sidaa ayay ku timid, Faladagan ayaana afkiisa isku amaanay. Waxaa miraheeda ka mid ah:

Macaanow Mursal MacaaneeMacaanow Malab MacaaneeMacaanow Midab macquulee Macaanow Mursal Muteystee

Heestan waxay ka mid ahayd kuwii ugu horreeyay ee uu Faladagan curiyay. “Waxaan islahaa horta kuwa ugu horreeya adiga isku tijaabi”, ayuu yiri.

“Heesta aniga way i qancisay illaa iyo hadda. Dad badan ayaa yaabay oo dhahay ‘muxuu ninkan isu amaanay’ anna waxaan ku iri ‘ma aragteen qof is caaya?’ su’aashaas ayaana jawaab u raadiyay”, ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: “Jawaabta waxay noqotay in qof walba uu si toos ah ama si dadban uu isu amaano. Aniga si toos ah inaan isu amaano ayey igula qumanaatay”.

“Kac kac Jaceyl u kac”

Faladagan

Ha kicin ee sug waxyar. Mursal fadagan ayaa ka sheekeynayo heestan sababta ay caanka ku noqotay, marka hore.

“Waxay ka mid tahay heesaheyga ugu caansan. Waa baraarujin. Heeso wadaniyad oo baraarujin ah ayaa jiro; heeso jaceyl oo baraarujin ahna way jiraan. Heestanna waxay tahay middii baraarujinta dhallinyarada iyo jaceylka”, ayuu u sheegay BBC Somali.

“Marka uu qofka ka jiifo jaceylkiisa ayey baraarujin u tahay. Waxay ku dheheysaa maad jaceylka u kacdid oo hurdada ka kacdid maadaama ay heestu leedahay; ‘halow baybi, halow hooda, halow huuno, halow haybi, halow hiili”.

Miraha heestaas waxaa kaloo ka mid ah:

Kac Kac Jaceyl u kacKac-kac Jaceyl u kacJaceyl JaarkaJaceyl jiheysanJaceyl joog dheerJaceyl jilistii Jaceyl JedaaleJaceyl jir oo joogKac kac hurdada ka kac

Faladagan wuxuu sheegay in heesta ay leedahay laba laxan oo isbedelaya, ayna “10 daqiiqo ku qaadatay inuu sameeyo laxankaas”.

Wuxuu tilmaamay in heesaha qaar ay adagtahay in laxanka si fudud lagu saaro, kuwa qaarna ay ku qaadato shan daqiiqo ama ka yar. “Waa heybad uu alle bixiyo. Waxaan u arkaa haybad uu Alle i siiyay”, ayuu yiri.

Maxay tahay Sababta uu fannaan u noqday Faladagan?

Faladagan

“Waa hammi aan ku faraxsanahay. Waxaan dareemay in aan kaalinteyda fanka ka soo bixi karo”, ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: “Marka hore waxaan is leeyahay magac aad ku yeelatid umadda Soomaaliyeed dhexdheeda, maadaama aan ahay, qof jecel dalkiisa iyo dadkiisaba.

Faladagan wuxuu sannadkan cusub ee 2020-ka soo saari doonaa heeso badan oo ay ka mid tahay mid sports lagu magacaabo, sida uu BBC u sheegay.

“Waxaan ku leeyahay dadka aniga igu xiran ama heesaheyga jeceyl; waxaad iga sugtaanba waa wanaagga iyo sharafta fanka oo an lkor u sii qaado oo aan ka mid noqdo kuwa kor u sii wada”, ayuu kula dardaarmay taageerayaashiisa.

Faladagan wuxuu soo saaray illaa lixdan heesood, sida uu qiyaasayo, muddadii uu fanka ku jiray. “Waxaan dareemayaa in dadka badankooda ay gaareen heeseheyga”, ayuu yiri.

“Dhaliil iyo taageero”

Marka uu heesaha soo geliyo, waxay dadka isugu jiraan kuwo amaano iyo kuwo mucaarado. Sidoo kale, waxaa jiro “dad kale oo heesihiisa intay qaataan falanqeeya oo dhaliilo kala duwan u jeediya”.

“Kuwa i tageera iyo mucaaradkaba waxaa la garab taaganahay in kaalinteyda fanka aan ka soo baxo. Mar walba – mucaradnimo iyo muxaafadnimo diyaar ayaan u ahay. Sababtoo ah ma jiro qof la wada taageeray ama la wada mucaaraday”, ayuu yiri.

Dadka ugu badan waxay ra’yigooda ugu reebaa bartiisa YouTube ama Facebook. “Qof kasta ra’yigiisa ayuu dhiibanayaa; ha fiicnaado ama ha xumaado”, ayuu Faladagan sheegay.

Qaab ka uu u ciyaaro, tirada heesaha uu soo qaado ama sida uu muuqaalka sida duubo dadka dhaliilaya wuxuu ku yiri “qof kasta afkiisaa u kala qaadan, waana loo taagan yahay in uu ra’yigiisa dhiibto. Wuxuu noqdaba waa mid aah diyaar u nahay, waana soo dhoweyneynaa”.

“Aduunka wuu horumaray, laakiin dadka qaar ma ciyaaraan. Haddaan nin wayn tahay oo aadan sameyn karin qoob ka ciyaarka maxaa fanka faraha kuu geliyay?” ayuu yiri Mursal Faladagan.

“Waan ku qanacsanahay qoob ka ciyaarka aan sameeyo sababtoo ah waxaan dadka tusayaa in meesha aan ka soo muuqanayo in ay tahay meel aan fanka ku muujinayo”.

“Aniga ma jecli in aan kala raabo dhammaan; qoob ka ciyaarka, heesaha iyo wixii macquul ah”, ayuu yiri.

“Way mahadsan yihiin mucaarad iyo muxaafad. Waxaan dhahayaa haddii aan meel ka qaldanahay waa la i sixi karaa. Midka fikradda qaldan watana waxaan ku dhahayaa; aniga ma qaldani ee adigaa qaldan ee isa soo toosi”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here