“Laftagareen oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab”

0
835

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismaadaaminta ahaa ee khasaaraha badan dhaliyeymkaas oo ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in halkaasi dadka lagu xasuuqay ay dhamaantood ahaayeen kuwii ugu fiicnaa Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana ay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo uu sheegay inay Shacabka beegsanayaan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka inay u midoobaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here