Weerarkii Safaaradda Mareykanka: Trump Oo U Hanjabay Iiraan Iyo Ciidamo La Sheegay Inuu U Daad Gureynayo Bariga Dhexe

0
336

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u gooddiyay dowladda Iiraan, ka dib markii uu ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee dalka Ciraaq.

Dhismaha saraafadda ee magaalada Baqdaad ayaa waxaa weerar ku qaaday dad mudaharaadeyaal ah oo ka careysnaa geerida maleyshiyaad lala beegsaday weerarro ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen.

Mr Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ugu hanjabay Iiraan, isagoo sheegay “inay magdhow ka bixin doonto” khasaare kasta oo ka dhasha halkaas ama dhimasho.

“Tani ma aha digniin, waa hanjabaad”, ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Hase yeeshee, hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei oo hadalkaas ka jawaabay ayaa sheegay in Mareykanku “uusan waxba ka qaadi karin Iiraan”.

Wuxuu sidoo kale sheegay in naceybka ka dhanka ah Mareykanka uu ku fiday meel kasta oo ka mid ah dalka Ciraaq.

Tehran ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarkii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad.

Presentational white space

Kooxo mudaharaadeyaal ah ayaa maanta oo Arbaco ah dib isugu aruursaday afaafka hore ee dhismaha safaaradda. Sawirro laga soo saaray telefishinnada ayaa muujinaya qiiq ka baxaya gudaha safaaradda.

Bogga uu Ayatollah Khamenei ku leeyahay Twitter-ka ee luuqadda Ingiriiska wax loogu qoro ayaa lasoo dhigay hadalkiisa oo fasiran.

Presentational white space

Maxaa dhacay Talaadadii?

Dibadbaxayaasha careysan ayaa dab qabadsiiyay goob waardiyeyaasha safaaradda ay fariistaan oo markaas cidlo ahayd, waxayna khudbad ku qabsadeen meel ka mid ah qeybaha soo dhaweynta ee dhismaha safaaradda. Arrintaas ayaa horseedday in ciidamada Mareykanka ay sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadaan, si ay u kala eryaan.

Ciidamada mariiniska Mareykanka ayaa islamarkiiba loo diray safaaradda Baqdaad, si ay amniga u xoojiyaan. Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa goor dambe shaaciyay in qiyaastii 750 askari la geyn doono halkaas.

Dalka Ciraaq waxaa hadda ku sugan ciidamo Mareykan ah oo tiradooda lagu qiyaaso 5,000 oo askari.

“Dowladda Mareykanku waxay difaaci doontaa dadkeenna iyo danaha aan ku leenahay meel kasta oo ka mid ah dunida”, ayuu wasiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

.

.

Ma jiro qorshe ku aaddan in shaqaalaha safaaradda halkaas laga daad gureeyo, sida uu wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, u sheegay warbaahinta Fox News.

Danjire Matthew Tueller ayaa fasax horay loo sii qorsheeyay uga maqnaa safaaradda, waxaana lagu soo warramay inuu dib ugu laabanayo.

Ciidamada ciraaq iyo booliska rabshadaha ka hortaga ayaa sidoo kale la geeyay goobtaas, halka mudaharaadkiina uu baaba’ay habeennimadii xalay.

Dad gaaraya 50 ruux ayaa laga daweeyay dhibaatooyin kasoo gaaray sunta dadka ka ilmeysiisa, sida ay BBC-da u sheegeen ilo wareedyo ka tirsan saraakiisha caafimaadka.

Mr Trump ayaa sheegay inuu ciidamada Ciraaq ka filayay inay difaacaan safaaradda iyo shaqaalaheeda, wuxuuna tallaabadaas uga mahad celiyay Mr Abdul Mahdi.

Maxaa loo weeraray safaaradda?

Mudaharaadkii Talaadada ayaa dhacay ka dib markii aas loo sameeyay maleyshiyaadkii lagu dilay duqeymihii Mareykanka.

Ragga dhintay ayaa ka tirsanaa koox taageero ka heysata dowladda Iiraan, oo lagu magacaabo Kataib Hezbollah, waxayna ka howl galaan Galbeedka Ciraaq iyo bariga Suuriya.

Ugu yaraan 25 dagaallame ayaa ku dhintay duqeymaha ay maalintii Axadda fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, kuwaasoo ay xukuumadda Washington ku qeexday aargoosi daba socday dilka muwaadin Mareykan ah uu sababay gantaal ay kooxdaas ku rideen saldhig ay leeyihiin milatariga Ciraaq.

.

.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Adel Abdul Mahdi ayaa sheegay in duqeymahaas ay meel uga dhaceen madax-bannaanida dalkiisa. Hoggaamiyaha kooxda Kataib Hezbollah, Abu Mahdi al-Muhandis, ayaa isagana ka digay in jawaabta ay arrintaas ka bixinayaan ay noqon doonto “mid aad u xanuujisa ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ciraaq”.

Maanta wuxuu hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, si adag u cambaareeyay duqeymaha uu Mareykanka u geystay Maleyshiyaadka Kataib Hezbollah.

Muxuu Mareykanku u bartilmaameedsaday Kataib Hezbollah?

Mareykanku wuxuu sheegay in kooxdan ay weerarro soo noq-noqday ku qaadday saldhigyo ay Ciraaq ku leeyihiin isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda isku magacowday dowladda Islaamka ee IS.

Iyadoo taas ka jawaabeysa ayey sheegtay in maalintii Axadda la fuliyay “duqeymo isdifaacid ah” oo ka dhan ahaa 5 xarumood.

Meelaha la beegsaday waxaa ka mid ah bakhaarro uu hub ku keydsanaa iyo goobo laga maamulayay ciidamo. Ujeeddadana waxay mas’uuliyiinta Mareykanka ku tilmaameen mid lagu wiiqayay awoodda kooxdaas ay ku fulin karto weerarro kale.

Tan iyo sanadkii 2009-kii, Mareyknaka wuxuu kooxda Kataib Hezbollah u aqoonsanaa urur argagixiso ah, sidoo kalena hoggaamiyahooda Abu Mahdi al-Muhandis wuxuu ku daray liiska “argagaixsada caalamiga ah”.

.

Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in kooxdan ay taageero weyn ka heysato dowladda Iiraan, waxayna ku qeexday inay tahay ciidamada Tehran uga dagaallama waddanka dibaddiisa.

Pentagon-ka ayaa dhanka kale horaantii bishii lasoo dhaafay beeniyay in Mareykanku uu ka fikirayo sidii uu ciidamo gaaraya 14,000 u dirayo bariga dhexe, si ay ula dagaallamaan Iraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here