Sarkaal Ka Tirsanaa Puntland Oo Lagu Dilay Boosaaso & Xaaladihii Ugu Dambeeyay Oo Kacsan.

0
307

Sarkaal Ka Tirsanaa Puntland Oo Lagu Dilay Boosaaso & Xaaladihii Ugu Dambeeyay Oo Kacsan.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka
geysteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Puntland oo ku sugnaa bartamaha magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ciise Ducaale, sida ay warbahinta ay  u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

 

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gaaray goobta, iyagoona baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka magaalada iyo saraakiisha amniga oo la xariira dhacdadaasi Muddooyinkii la soo dhaafay amniga Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey
falal liddi ku ah nabad galyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here