Qofka Kula Jira Eed Nolosha Lawadaagayso Mayahay Kii Aad Ubaahnayd Ee Kugu Habboonaa. .?

0
598

Waan dareemayaa Hada waxaad ka fekeraysaa addiga xaaladaadu way ka duwantahay ta dadka kale oo waxa tahay mar la, arag , Haa waa run qof kula mida majiro ama wuu yaryahay , hadaba doorashada Rafiiq nolosha kula midooba maaha wax sahlan siday aniga ilatahay sababto ah qofkan waaka aad inbadan sii wada joogi doontan hadii cimrigu idinku simo .

Astaamaha lagu garto xidhiidhka caafimaadka qaba ee lammaane dhex mara.
kalsooni qaangaadh ah, Hami ,hiigsi, Himilo , Daacadnimo , ixtiraam dheelitiran, run-sheegis,isu Tanaasul, Dul-qaad , Xiise joogta ah, Danayn, Is dhegeysi, Iska warhayn , wax-tar, Dabacsanaan, habrasho, Iwm. Haddi lamaanahaagu intan leeyahay kufaro-adeyg , Intaas iyo kuwa aan hilmaanay ee kamidka ah hadaad kawaydo xidhiidhkaas haan gun la’a baad Dhaaminaysaa.

Sanadihii udanbeeyey waxa kor usii kacaysey tirada dadka nolosha kukala cararaya ama is furaya (divorce rate) halka ay siiyaraanayso tirada dadka nolosha kumidoobaya (marriage rate) iyadoo ay daraasaduhu Sheegayaan in 4 tii guurba mid dumayo ama ku danbaynayo furiin.

Haddaba waxa jira astaamo diintu inoo sheegtey inaad qofkaas ku xulato haday noqoto quruxdiisa, diintiisa,hantidiisa,nasabkiisa, hadana wali waxa sii furan inad kusii doorankarto Kartidiisa ,Hab fikirkiisa ,Aqoontiisa, Hamigiisa ,Dhaqankiisa iyo shaqsiyadiisa oo marka lagu daadago hoos imanaya afartaas aynu kor kusoo xusnay ,Hadaba hadaad intaas isla heshaan waxaad Haysaan dhabadii toosnayd .

Waxaa darruuri ah inad isla fahamtaan xaqiiqada nolosha iyo sida loo wajahayo safar
dheer oo dhib iyo Dheefba leh, noloshiinana kasaartaan khiyaaliga aanu cimrigiisu dheerayn, waa inaad nolosha u sadqeyn karto markaan sidaa leeyahay waxan ujeeda aad isaga saahidi kartaan waxabadan oo midwalba kalinimadiisa samayn jirey idinko ay kaweyntahay waxa aad kumidaysantihiin.

Qodobadaas ayaa ah tiirarka ugu muhiimsan ee lagaga Daaweeyo xanuunada kudhaca xidhiidhka lamanayaasha.

Falillahil Hamdu.

W/Q Shaafici Dhiibsane.
Burao Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here