Ururka Al-Shabaab Oo Weerraray Saldhig Milateri Oo Ay Wadaagaan Kenya Iyo Mareykanka

0
418

Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya.

Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa waxa uu dhacay waxyar un ka hor inta uusan waaga baryin.

Sarkaal ka tirsan dowladda deegaankaas oo lagu magacaabo Irungu Macharia, ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay weli ku jiraan howlgalka hasayeeshee waxa uu diiday inuu xaqiijiyo inay jirto cid weerrarkaas ku waxyeelowday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa.

Bar internet-ka ah oo lala xiriiriyay ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in qeybta isqarxinta ee ururkaasi ay khasaare culus gaarsiiyeen saldhiggaasi oo qeyba ka mid ah ay qabsadeen, waa sida ay bartaasi warka u dhigtayee.

Sonna

Ururka Al-Shabaab oo xiriir la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa dagaal kula jira dowladda Soomaaliya ee ay baritaarto Qaramada Midoobay, waxa ayna gudaha Soomaaliya ka gaystaan weerraro ay dad badan ku dhintaan.

Waxaa ugu dambeeyay qaraxii 28-kii bishii Diseembar ka dhacay bar koontarool oo ku taal magaalada Muqdisho, halkaas oo inta la og yahay naftooda ay ku waayeen in ka badan 80 qof.

Sidoo kale in ka badan 120 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay isgoys aad u mashquul badan, waxaana weli jira dad aanan nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaaraddooda Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here